HomeSomali NewsGolaha Wasiirrada Somaliland Oo Soo Saaray Go’aan Muhiimad Weyn Ugu Fadhiya Shacabka...

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Soo Saaray Go’aan Muhiimad Weyn Ugu Fadhiya Shacabka Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa lagu go’aamiyey in si gaar ah loo qiimeeyo dhibcaha imtixaanka shahaadiga ah ee ardayda dugsiyada Dhexe iyo Sare ee gobolka Sool iyo degmooyinka hoos yimaadda, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 40,642 Arday.

War-saxaafadeed ka soo Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirradu maanta cod gacan-taag ah ku meelmariyeen in ardaydaa loo fududeynayo qaabka ay ku hali lahaayeen shahaadooyinkooda si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo lagu faaqiday qodobbo kale oo khuseeya amniga iyo xaaladda guud ee dalka waxa lagu faahfaahiyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, waxaanu war-saxaafadeedka lagu yidhi:-“Shirka 111aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa warbixin guud oo la xidhiidha amniga dalka laga dhegeystay Wasiirku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxa kale oo goluhu war-biximo ka dhegeystay xubno ka mida golaha wasiirrada oo isugu jira guddidii nabadaynta shaqaaqadii gobolka Togdheer ee labada dhinac ee walaalaha ah ku dhexmartay oo shalay la soo afjaray iyo guddidii xuska sannad guurada 32aad ee 18-May oo golaha xogo ka siiyey guulihii ay ku soo dhamaadeen hawlihii loo xilsaaray.

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya waajibka muwaadiniinta ka saaran iyo muhiimadda waxbarashada wuxuu cod gacan tag ah ku go’aamiyey in ardayda wax ka barata Laascaanood iyo Degmooyinka hoos yimaada oo dhan, oo kala ah Dugsiga hoose dhexe 35,177, Dugsiga sare 5,465, oo wadartooda guud ay tahay 40,642 Arday in lagu qiimaynayo dhibcihii Imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, wixii gudbay sannad dugsiyeedkaasi 2022 oo dhamaa marka loo eego Fasalada siddeedaad ee degmooyinkaa oo dhamaa 2,233 Arday iyo Fasalada 12aad oo dhamaa 1,045 Arday in loo fudaydinayo qaabka ay ku helayaan shahaadooyinkooda si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Sidoo kale waxa warbixin laga dhegeystay guddida arrimaha bulshada ee golaha wasiirrada oo daraasad ku soo samaysay lacagaha tooska ah ee daryeelka Bulshada (Cash Transfer) oo ay dalka ka qaybiyaan hay’addaha madaxa bannaani. Daraasadaas oo diirada saaraysay qodobo ay ka mid yihiin maxaa khataro ku gadaaman ee ka dhalan kara lacagahaasi, maxaase faa’iido ay u leedahay bulshada reer Somaliland, ayaa dood iyo falan-qayn dheer ka dib goluhu isla qaatay in la sameeyo xeerkii lagu maamulayey lacagta daryeelka bulshada, shirarka danbena golaha la horkeeno.

Sidoo kale goluhu waxa uu cod gacantaag ah oo aanay cidina ka aamusin, cidina aanay diidin ku ansixiyeen xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023) oo guddi ka koobnayd golaha wasiirrada iyo garyaqaanka guud shirkii kan ka horeeyey loo xilsaaray soo dhamaystirkiisa, wax-ka bedelka iyo kaabistiisa.

Ugu dambayn, waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey xeerka siyaasada isbedelka cimilada ee Qaranka, madaama isbedelka cimiladu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee haysta Somaliland Qarnigan 21aad, xukuumadduna ay dedaal badan gelisay sidii loo yarayn lahaa u nuglaanshaha cimilada, loona xoojin lahaa ilaalinta qaybaha bulshada nugul iyo deegaanka dabiiciga ah iyo u diyaar garowga maaraynta musiibooyinka.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories