HomeSomali NewsCaalamkaShiinaha Iyo Ruushka Oo Awoodda Diidmada Qayaxan Ku Horjoogsaday Qaraar Ka Dhan...

Shiinaha Iyo Ruushka Oo Awoodda Diidmada Qayaxan Ku Horjoogsaday Qaraar Ka Dhan Ah Iiraan Oo Golaha Ammaanka Loo Gudbiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

New York (SLpost)- Dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa Codka diidmada Qayaxan ku horjoosaday Qaraar ka dhan ah Iiraan oo maanta ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi uu maanta yeeshay ka soo saaray Qaraar jidaynaya in xoog ama xeelad la furo marin-biyoodka xidhan ee Hormuz, kaas oo ay ka gudbaan boqolkiiba 20 shidaalka iyo Gaaska laga isticmaalo adduunka.

Qaraarka oo ay dabada ka riixayaan Xulafada dalka Maraykanka, ayaa gebi ahaanba fashilmay markii ay dalalka Shiinaha iyo Ruushku awooddooda diidmada Qayaxan ku horjoogsadeen in la ansixiyo. Arrintan ayaa muujinaysa kala qaybsanaanta weyn ee siyaasadda caalamka, gaar ahaan arrinta Iiraan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka kooban 15 Waddan oo 5-ta dal ee joogtada ahi ku jiraan, waxa in la ansixiyo oggolaaday 11 waddan, 2 waddan way ka aamuseen halka dalalka Ruushka iyo Shiinuhu ku gacan-saydheen.

Awoodda veto-ga ayaa u oggolaanaysa shanta dal ee joogtada ah (Shiinaha, Ruushka, Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska) inay joojiyaan go’aan kasta oo Golaha Ammaanku gaadho, xataa haddii inta badan xubnuhu taageeraan. Shiinaha iyo Ruushka ayaa awooddan u adeegsada si ay uga hortagaan cunaqabatayn ama tallaabooyin kale oo adag oo ka dhan ah Iiraan.

Labada waddan ayaa inta badan go’aankan u sameeya inay ka hortagaan in Maraykanka iyo xulafadiisu ay si fudud u adeegsadaan Golaha Ammaanka si ay cadaadis ugu saaraan dalal kale. Arrintan ayaa muujinaysa sida awoodda veto-gu u noqotay aalad siyaasadeed oo ay dalalka waaweyn ku ilaashadaan danahooda, isla markaana ay u qaabeeyaan siyaasadda caalamka.

Shiinaha iyo Ruushka waxa ay xidhiidh ganacsi oo xooggan la leeyihiin Iiraan, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska.

Dalka Iiraan ayaa gebi ahaanba xidhay marinka Hormuz tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Taaladan ayaa noqonaysa markiii u horeysay ee ay labadab waddan toos ah u soo faro-geliyaan dagaalka Iiraan, iyadoo la rumaysan yahay in Shiinaha iyo Ruushku si dadban u taageeraan Iiraan.

Somalilandpost.news

contact@somaliladpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories