HomeLatest NewsMadaxweyne Cirro Oo Isku-shaandheyntii U horeysay ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda iyo Wejiyada...

Madaxweyne Cirro Oo Isku-shaandheyntii U horeysay ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda iyo Wejiyada Cusub ee ku jira

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, isagoo shaqada ka eryay saddex ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne Cirro waxa uu xilalka ka qaaday Wasiirradii Wasaaradaha Horumarinta Biyaha Abubakor Good Wacays, Horumarinta Beeraha Maxamuud Cige Yuusuf iyo Isgaadhsiinta Jamaal Maxamed Jaamac, kuwaas oo xilalka hayey muddo ku siman sannad iyo badh.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku-xigeenno iyo la-taliyeyaal, iyadoo masuuliyiinta la Magacaabay ay ku jiraan qaar ku cusub xilalka xukuumadda iyo kuwo Laysku beddelay.

Md Barkhad Batuun oo ka tirsanaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha ayaa loo Magacaabay Siyaasi Aadan Geeddi Qayaad, halka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha loo Magacaabay Maxamed CabdiMaalik oo hore u ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka. Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-adda ayaa loo Magacaabay Dr Cabdisalaan Xuseen Cawaale.

Aqoonyahan Dr Maxamed Cismaan Fadal ayuu madaxweynuhu u Magacaabay La-taliyihii gaarka ah ee Siyaasadda Arrimaah Dibadda, halka KhadarXaaji Yuusuf Cabdilaahi uu madaxweynuhu u Magacaabay inuu buuxiyo xubin ka tirsan Guddiga Diiwaangelinta Ururrada oo kaddib markii uu geeriyooday xubintii hore loogu Magacaabay booskaas.

Waxa kale oo wareegtada madaxweynaha ku jirta wasiir ku-xigeenno iyo Wasiirul-dowleyaal xilal ka hayay wasaaradaha dowladda oo Laysku beddelay.

Isku Shaandheynta Xukuumadda

Isku-shaandheyntan ayaa noqonaysaa tii ugu ballaadhneyd ee madaxweynuhu sameeyo tan iyo markii uu talada dalka la wareegay dabayaaqada sannadkii 2024-kii.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories