Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Shaacisay bilowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo sannadkan Wax-ka-beddel lagu Sameeyey

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in imitixaanaadka shahaadiga ah ee fasallada 8aad ee dugsiyada Dhexe iyo Fasalka Afraad ee dugsiyada sare ay si rasmi ah uga bilaabmayaan dalka 21-ka Bishan June.

Imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmi doono muddo todobaad ah ka dib, waxa sannadkan u fadhiisanaya arday tiradoodu gaadhayso 21,089 arday kuwaas oo isugu jira dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dhammaan gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu weheliyo Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shir-jaraa’id oo maanta ay ku qabatay Xafiiska Imtixaanaadka, waxa ay sheegtay in sannadkani ka duwan yahay qaababkii imtixaanka looga qaadi jiray ardayda isla markaana loo fududeeyey qaabka diyaar-garowga imtixaannaadka.

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This