Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa habeenkii xalay kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Hargeysa madaxdhaqameedka iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Gabiley.
Kulankan oo ka dhacay hoyga guddoomiyaha KAAH ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah, islamarkaana ay ka soo qayb galeen odayaal dhaqameed iyo waxgarad uu hoggaaminayo Suldaanka guud ee beelaha Sacad Muuse iyo Suldaanka Guud ee Beesha Jibriil Abokor.
Ujeeddada Kulanka
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in Maxamuud Xaashi Cabdi uu beelaha ku dhaqan Hargeysa, Gabiley iyo Wajaale u bandhigay qorshe uu doonayo inay si buuxda uga mid noqdaan xisbiga KAAH. Waxa uu sidoo kale muujiyey inuu diyaar ula yahay inuu siiyo mansabka ugu sarreysa ee xisbiga, isaga oo ka codsaday taageero siyaasadeed oo gaadhsiisa himiladiisa hoggaanka dalka.
Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen inta badan Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Beesha isla markaana uu ku wehelinayey Siyaasi Mubarak Ismaaciil Taani oo xilligan u heellan inuu Beesha ku horkaco majarahooda siyaasad, ayaa lagu tilmaamay mid “jilbaha la is dhigay”, iyadoo la sheegay in ugu dambayn lagu soo afjaray is-afgarad hordhac ah.
Saamaynta Siyaasadeed
Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee uu wado Maxamuud Xaashi Cabdi ee ku wajahan bulshada reer Gabiley ayaa la rumeysan yahay inuu cadaadis ku keeni karo xukuumadda uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ku guul daraysatay kasbashada shacabka Gabiley oo aan wax matalaad ah ku lahayn Golaha xukuumadiisa.
Wararka ayaa sheegaya in bulshada Gabiley ay cabasho ka muujiyeen matalaad la’aan ay ku leeyihiin xukuumadda oo ay tiradaba dhowr jeer kala shireen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirka Madaxtooyada, si ay xukuumadda ugu yeeshaan siyaasi Miisaan leh oo danahooda Siyaasadeed ku metala, isla markaana isku xidha Bulshada ku dhaqan Gobolka iyo xukuumadda madaxweyne Cirro.
Gebo-gabo
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in haddii xukuumaddu aanay si degdeg ah uga jawaabin tabashooyinka jira, ay suuragal tahay in taageerada bulshadaasi u wareegto mucaaradka, taas oo dhalin karta loollan iyo culaysyo Siyaasadeed oo si lama filan ah u soo food-saara Xukuumadda Xisbiga Waddani.
Sidoo kale, waxa ay falan-qeeyayaasha siyaasaddu tibaaxeen in sababta madaxwayne Cirro gabadha wasiirada ah ugu magacaabay metalaadda mansabka siyaasadeed ee uu tabashadooda u tixgelin waayay ay tahay Aar-goosi siyaasadeed isagoo kula ficiltamaya taageeradii ay umuujiyeen madaxwaynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo xiligii uu qaranka hogaaminayay beesha madaxwaynaha haatan wasiir xukuumadiisa ku matasha u xushay Ex-wasiie Shugri Xaaji Ismail Bandare sidaasna ay reer Gabiley xilligan dhibbane u noqdaan Ficilka siyaasadeed ee Md Cabsiraxmaan Cirro.
Isku soo wada duuboo, kulankan ayaa noqon kara bilowga isbeddel siyaasadeed oo saamayn ku yeesha awood qaybsiga masraxa siyaasadda dalka, iyadoo la ogyahay in Gobolka Gabiley hormuud u yahay jaan-goynta siyaasadda dalka.
Somalilandpost.news


