London (SLpost)- Waddanka Ruushka oo ka mid ah 5-ta Waddan ee Awoodda Diidmada Qayaxan ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa walaac ka muujiyey dagaalka ka socda Bariga Dhexe oo laga cabsi qabo inuu horseedo isku-dhac ballaadhan oo dunida saamayn ku yeesha.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov, ayaa sheegay inay adduunyadubqarka u saaran tahay inay waajahdo Dagaal ballaadhan oo quwada caalamku isaga hor yimaadaan.
Siyaasi Lavrov oo warbaahjnta kula hadlay magaalada Moscow, waxa uu Ku dooday inay jiraan astaamo cad oo muujinaya dagaalkii 3aad ee dunida.
“Waxyaabaha aynu hadda arkaynaa waxay leeyihiin dhammaan tilmaamaha sababi kara inuu Isku dhac weyn yimaaddo, dadka qaar ayaa mar horeba ku sheegay Dagaalkii saddexaad ee Adduunka”, sidaas ayuu yidhi Sergey Levrov.
Dhinaca kale, Maraykanka ayaa weji-gabax kala kulmay waddamada Faransiiska iyo Talyaaniga oo ay ka wada-tirsan yihiin Isbahaysiga NATO. Waddanka Faransiiska ayaa diiday inay Hawada dalkiisa dulmaraan Diyaaradaha ka imanaya dalka Maraykanka ee Saanadda Militari u sida dalka Israa’iil iyo Ciidamadiisa ka dagaalamaya Bariga Dhexe.Sidoo kale, waddanka Talyaaniga, ayaa diiday inay garoomadiisa isticmaalaan diyaaraha Dagaalka Maraykanka ee duqeymaha ka fuliya dalka Iiraan.
Tallaabada ay qaadeen labadan waddan ee ku yaalla qaaradda Yurub, waxa jawaab cadho leh ka bixiyey waddanka Israa’iil oo si gaar ah xidhiidhka ugu jaray dalka Faransiiska.
Wasaaradda Gaashaan-dhigga Israa’iil, ayaa maanta shaacisay inay gebi ahaanba hakiyeen iskaashiga dhanka difaaca ee ay la lahayd Faransiiska, iyadoo sidoo kale joojisay heshiisyadii militari ee ay kula jirtay. Go’aanka Israa’iil ayaa ka dambeeyey kaddib markii dowladda Faransiisku diidday inay hawadeeda isticmaalaan duullimaadyadii diyaaradaha Mareykanka ee taakulada Militari u sida dalkaas.
Somalilandpost.news


