HomeSomali NewsShirkadda TELESOM oo Lagu Ammaanay Hir-galinta Adeega ZAAD

Shirkadda TELESOM oo Lagu Ammaanay Hir-galinta Adeega ZAAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Warbixin uu diyaariyay ururka GSMA,  oo ah urur ay ku bahoobeen shirkadaha ka shaqeeya shabakadda isku xidhka mobiladda ayaa si qoto dheer uga hadashay hirgelintii, hababka uu ku guulaystay iyo isticmaalka adeeg ZAAd ee shirkadda TELESOM. Warbixinta waxa lagu xusay in Shirkadda TELESOM ay tahay hogaamiyaha shirkadaha isku xidhka shababkada mobilka Somaliland, una adeegto macaamiil lagu qiyaasay hal milyan oo macmiil, oo u dhiganta 85% suuqa adeega mobilka Somaliland.

Shirkadda TELESOM ayaa sanadkii 2009 waxay soo kordhisay adeeg cusub oo noqonaaya kii ugu horeyay ee wadanka (Somaliland) adeega maaliyadeed loo isticmaalo. wakhtigaa intii ka danbeysay adeegan waxa uu noqoday mid hanaqaaday.  Bishii June 2012, in ku dhow 40% macaamiisha isticmaasha  adeega GSM-ka waxay isticmaalaan ama isku diwaan geliyeen isticmaalka adeega ZAAD.

Waxa kale oo warbixinta lagu xusay in TELESOM ay cashar ka baratay, khibaradii iyo hababkii ay ku guuleysteen shirkaddaha ka shaqeeya adeega maaliyadeed ee wadamadda jaarka ah, waxaanay ku dabaqeen casharaddan habka dhaqan dhaqaale ee Somaliland, taasi oo u sahashay in adeegani guulaysto. Macaamiisha adeega ZAAD ee TELESOM waxa ay isticmaalaan celcelis ahaan 30 jeer bishii, tani waxa ay tilmaamaysaa in 8.5 goor ay Somaliland ka sareyso celceliska caalamka.

Adeega ZAAD ee TELESOM  waxa uu ka mid yahay GSMA ee adeega maaliyadeed ee mobilka, waxaana loo aqoonsaday ka ugu wanaagsan adeega maaliyadeed ee caalamka.  Dhanka kale waxa ay warbixintu intaa ku dartay in sanadkii 2012-kii adeeg TELESOM ZAAD services uu ururka caalamiga  ee ay ku bahoobeen shirkadaha isgaadhsiintu  ee  GSMA uu u aqoonsaday in shirkadda TELESOM ay ka mid tahay shan shirkadood ee ugu horeeya aduunka Mobile money transfer (MMT).

Guntii iyo gebogabadii war-bixinahani waxa ay tilmaamayaan guul balaadhan oo u soo hooyatay Somaliland iyo shirkadda TELESOM-ba, waxaanay arrintani tilmaamaysaa xawliga ay shirkadda isgaadhsiinta TELESOM ku socoto marka la barbardhigo shirkaddaha dhigeeda ah ee ka jirra caalamka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories