Dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka Iran iyo saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan Bariga Dhexe. ayaa raad-reeb xun ku yeeshay dalalka Carabta, iyadoo malaayiin qof laga qabo inay wejahaan Xaalad saboolnimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijka Horumarinta ee UNDP, ayaa lagu sheegay in wax-soo-saarka guud ee gudaha (GDP) gobolka Bariga Dhexe uu qiyaas ahaan hooss u dhacay Boqolkiiba 6 muuddada bisha ah ee dagaalku socday, taasoo u dhiganta in dalalka Carabta dhaqaalahoodu cel-celis ahaan hoos u dhacay inta u dhaxaysa $120 bilyan ilaa $194 bilyan.
Dagaalka Iiraan ayaa saamayn xoog ah ku yeelan doona Dalalka Yemen, Suudaan iyo Lubnaan, kuwaas oo la saadaaliyey inay wajihi doonaan saboolnimo xad-dhaaf ah, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay hay’adda UNDP.
Somalilandpost.news


