Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta shir wada-tashi qaran ah isugu yeedhay masuuliyiinta sare ee dalka, si xal waara loogu helo colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Selel.
Shirka oo ay ka qayb galeen hoggaanka labada gole ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddida nabadda, ayaa diiradda lagu saaray sidii degdeg looga hawl-geli lahaa joojinta colaadda, loona badbaadin lahaa dhiigga shacabka ee daadanaya.
Madaxweynaha ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dagaallada, isaga oo ku baaqay in mudnaanta koowaad la siiyo nabadda, wada-hadallada iyo xalinta khilaafka jira.

Waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay bilowga gurmad qaran oo loo mideysan yahay, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka bulshada, si colaadda loo damiyo.
Masuuliyiintii ka qayb gashay shirka ayaa si buuxda u taageeray dadaallada nabadaynta, iyaga oo ballan qaaday in ay door muuqda ka qaadan doonaan soo afjaridda colaadda iyo adkaynta midnimada bulshada ku dhaqan labada gobol.
Somalilandpost.news

