Qorshe Maraykanku ka lahaa dagaalka Iiraan Oo Israa’iil Fashilisay

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

HARGEISA (SLpost)- Warbixin ay daabacday New York Times, ayaa lagu sheegay in qorshe ay Maraykanka iyo Israa’iil ku doonayeen in hoggaamiyihii Ruuxiga ahaa ee Iran lagu beddelo madaxweynihii hore Mahmoud Ahmadinejad ay ku fashilmeen.

Mahmoud Ahmadinejad ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Iran, isagoo hore u ahaa guddoomiyihii gobolka Ardabil, duqii magaalada Tehran intii u dhexeysay 2003 ilaa 2005, kadibna noqday Madaxweynaha Iran laba xilli oo isku xiga intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2013.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah, ayaa warbixintiisa ku sheegay in kaddib dilkii Hoggaamiyihii Sare ee dalkaas Ayatollah Ali Khamenei uu Madaxweyne Donald Trump aaminsanaa in Ahmadinejad loo adeegsan karo hoggaan ku-meel-gaadh ah oo gudaha Iran ka yimaadda.

Hase yeeshee, Israa’iil ayaa la sheegay inay ka shakisnayd qorshahaasi, iyadoo Ahmadinejad u aragtay siyaasi mayal adag oo si weyn loogu yaqaanay mowqifkiisa ka dhanka ahaa Israa’iil, taageerada barnaamijka nukliyeerka Iran iyo hadalladiisii muranka dhaliyay xilligii uu madaxweynaha ahaa.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in weerar Israa’iil ku qaaday gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Tehran uu dhaawacay Ahmadinejad, taasima ay sababtay inuu ka baxo qorshihii la xidhiidhay isbeddelka dowladda Iran. Ahmadenajad oo weerarkaa ka badbaaday lama oga halka uu ku sugan yahay.

Somalilandpost.news

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This