HomeLatest NewsFadeexad Soo Noqnoqotay: Eeddo Musuq-maasuq Oo Dul Hoganaya Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Fadeexad Soo Noqnoqotay: Eeddo Musuq-maasuq Oo Dul Hoganaya Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA – Eeddo culus oo la xidhiidha musuq-maasuq iyo lunsasho dhaqaale ayaa markale dul hoganaysa masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, kadib cabashooyin isa soo taraya oo ka imanaya warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka, kuwaas oo sheegay in aanay helin lacagihii loogu tala-galay kaalintii ay ka qaateen baahinta iyo tebinta munaasibaddii 18-ka May.

Warbaahinta Somaliland oo sannad kasta laf-dhabar u noqota baahinta xuska maalinta qaranimada Somaliland, ayaa sanadkan si weyn uga qayb-qaadatay diyaarinta warbixino, barnaamijyo toos ah (live coverage), muuqaal-duubis iyo baahinta dareenka shacabka ee munaasibadda 35-guurada dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo la hadlay warbaahinta, xukuumaddu waxay u qoondeysay miisaaniyad gaar ah oo loogu talo-galay in lagu taageero hay’adaha warbaahinta ee shaqada culus qabtay muddadii xuska 18-ka May. Hase yeeshee, eedaha hadda soo baxaya ayaa tilmaamaya in lacagtaasi aanay gaadhin inta badan warbaahinta loogu tala-galay.

Masuuliyiinta sida weyn farta loogu fiiqayo ayaa kala ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdisalaan “Ilka Case”, Agaasimaha Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Cabdiraxiim Mowliid iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Wasaaradda, Guray Maydhax, kuwaas oo lagu eedeeyey inay si gaar ah u maamuleen lacagahaasi iyada oo aan la marin hannaan hufan ama diiwaan cad oo muujinaya cidda la siiyey iyo inta la bixiyey.

Qaar kamid ah mulkiilayaasha iyo maamulka warbaahinta madaxa-bannaan ayaa sheegay in sanad kasta lagu celceliyo ballanqaadyo la xidhiidha kharashka iyo taageerada warbaahinta, balse marka munaasibaddu dhammaato ay soo baxaan eedo ku saabsan lunsasho iyo kala xulasho lagu sameeyo cidda lacagaha la siiyo.

“Warbaahinta ayaa habeen iyo maalin u taagnayd baahinta munaasibadda, qalabkeedii iyo shaqaalaheedii adeegsatay, balse marka ay xafladdu dhammaato waxa dhacday in lacagihii oo aan ahayn intii loogu tala-galay la siiyo oo Koox yar oo Warbaahinta ah,” ayuu yidhi mid kamid ah masuuliyiinta warbaahinta oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Waxa jira dad tiro yar oo loo diray lacago yaryar oo aan u qalmin, waxaana muuqata in dad gaar ahi si qarsoodi ah u qaybsadeen,” sidaasna waxa sheegay mid kamid ah suxufiyiinta dalka oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

Fadeexaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli xukuumadda Somaliland si weyn u muujinaysay muhiimadda ay siinayso warbaahinta iyo kaalinta ay ku leedahay difaaca qadiyadda Somaliland, gaar ahaan xuska 18-ka May oo sanadkan si weyn indhaha caalamka loogu soo jeediyey Somaliland.

Madaxda warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in haddii aan si rasmi ah loo baadhin eedahan, ay dhaawac weyn ku keeni karto kalsoonida u dhaxaysa xukuumadda iyo warbaahinta madaxa-bannaan, isla markaana ay sii xoojin karto tuhunka muddooyinkii dambe jiray ee la xidhiidha maamul-xumo iyo hufnaan la’aan ka dhex jirta qaybo kamid ah hay’adaha dowladda.

Ilaa hadda, Wasaaradda Warfaafinta Somaliland si rasmi ah ugamay hadlin eedaha loo jeedinayo masuuliyiinteeda, mana jiro war cad oo kasoo baxay oo lagu faahfaahinayo habka loo qaybiyey lacagihii loogu talo-galay warbaahinta ka qayb-qaadatay xuska 18-ka May.

Fadeexaddan ayaa noqonaysa mid kamid ah dhacdooyinka muranka dhaliyey ee sannad kasta hadheeya dabaal-degyada 18-ka May, iyadoo warbaahin badan iyo bulshada qaybo kamid ahi su’aal gelinayaan halka ay ku dambeeyaan dhaqaalaha magaca warbaahinta lagu bixiyo iyo cidda dhab ahaan ka faa’iidaysata.

Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories