HomeSomali NewsMasuuliyiinta Wargeyska Xayiran ee Haatuf oo Xoriyaddooda loo soo Celiyey, Kana dareen-celiyey...

Masuuliyiinta Wargeyska Xayiran ee Haatuf oo Xoriyaddooda loo soo Celiyey, Kana dareen-celiyey Waxyaabihii ay la kulmeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftrihii Wargeyskaas Axmed Cali Cige oo muddo saddex todobaad ku dhow ku jiray xabsiyada magalooyinka Hargeysa Gabiley,  ayaa xorriyaddooda loo soo celiyey maanta ka dib markjii sida la sheegay dammaanad lagu sii daayey.

Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Xayiran ee Haatuf, ayaa 10-kii Bishan laga dhex-qabtay Maxkamadda gobolka Hargeysa oo ka gar-sooraysay dacwad xubno wasiirro ahi ka gudbiyeen Wargeyska Xilli la dhegaysanayey doodda garta labada dhinac, waxaanay Maxkamadda isla wakhtigaas ku ridday labada masuul xukun Rumaan ah, sidaasna loogu diray Xabsiga.

Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa, ayaa ka war-bixiyey qaabkii sii-deyntoodu u dhacday iyo waxyaabihii ay kala kulmeen Xabsiga.

Guddoomiyaha iyo Tafatiraha Haatuf waxay sheegeen inuu xadhiggoodu marka horeba ahaa mid sharci-darro ahaa loona oggolaan-waayey inay is difaacaan iyaga oo xor ah, isla markaana ay ahayd in dacwadooda lagu dabaqo xeerka saxaafadda Somaliland. Labadan Masuul waxa ay sheegeen inaanay ogayn sababta loo sii daayey, balse markii ay gaadheen magaaladda Hargeysa loo sheegay in lagu soo daayey damaanad ahaan.

Ugu horayna Guddoomiyaha Haatuf Media Group Yuusuf Cabdi Gaboobe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Alxamdulilaah aad ayaanu aniga iyo Tafatiruhuba u wanaagsanahay, waxa nala soo daayey abaaro labadii duhurnimo ee maanta  oo aanu ka soo baxnay xabsiga Gabiley. Waxaanu imika xidhnayn mudo 18 cisho ah oo laba maalmood waxaynu ku xidhnayn jeelka Hargeysa, ilaa 16 maalmoodna waxaanu ku xidhnayn Jeelka Gabiley. Ilaa imika si dhab ah uma garanayno sababta naloo soo daayey ee xoriyaddayda naloogu soo celiyey inkasta oo aanu maqlaynay markii aanu Hargeysa soo gaadhnay in Damaanad ahaan nalagu soo daayey,” ayuu yidhi Yuusuf Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Ilaa imika ma ogin in Wargeysyadii Haatuf iyo Somaliland Times in la sii daayey iyo in kale laakiin xaqiiqatan sida cadaaladdu ku jirto waa in xayiraadda laga qaado Wargeysyada oo ciidanka laga qaado xarunta Wargeyska ee muddada labada bilood ah ay dul fadhiyaan ciidanku.

Sharci-daro iyo tacadi badan oo naloo gaystay ayaanu tirsanaynaa oo gaar ahaan aniga iyo tafatiraha wargeyska naloogu sameeyey oo xuquuqdayadii aas-aasiga ahayd ee distuurku noo damaanad qaaday ayaa lagu tuntay. Xaqiiqatan haday tahay xaga garsoorka, xaga Bilayskaba si xun ayaa naloola dhaqmay, Anaga oo aan wax dhibaato ah ka sheeganaynin Masuuliyiiinta iyo askarta xabsiga Hargeysa iyo ka Gabiley-ba oo run ahaantii aad moodo inay xabsiyadaasi maamulaan dad Professional ahi,” ayuu yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Yuusuf Cabdi Gaboobe mar wax laga waydiiyey waxa uga meel yaala oo ay yeelayaan, waxa uu yidhi, “Horta maanta ayuun baa nala soo daayey oo waxaanu yeeli doono waxaanu kala tashan doonaa Qareenadayda, waxa kale oo aanu la tashan doonaa oo aanu is waraysan doonaa shaqaalihii iyo masuuliyiintii kale ee Haatuf ee aanu ka maqnayn mudadii aanu xidhnayn.”

Tifaftiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige oo isaguna dareenkiisa iyo waxyaabihii ay la kulmeen muddadii ay xidhnaayeen ka warbixiyey, ayaa sheegay in si fiican loola dhaqmay mudaddii ay ku jireen xabsiyada Hargeysa iyo Gabiley, isla markaana aanay wax dhibaato ah ka sheeganaynin askarta iyo masuuliyiinta xabsiyadaasi oo uu uga mahadnaqay sidii ay ula dhaqmeen.

 

SOMALILANDPOST

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories