SOMALILAND: Tiradii ugu badnayd oo Maanta u fadhiisatay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe/Sare iyo Jewiga Sannad-dugsiyeedkan

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

HARGEYSA (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare, ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, iyadoo sannadkdan lagu tilmaamay inay yihiin tiradii ugu badnayd ee abid u fadhiisata Imtixaannada Shahaadiga ah ee Somaliland.

Tirada Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2015/2016, ayaa ka badan intii u fadhiisatay sannadkii hore, waxaanay tiradooda guud noqonaysaa 25,046 (Arday), kuwaas oo isugu jira Fasallada Siddeedaad (8aad) ee Dugsiyayada Dhexe iyo Fasallada Afraad (4aad) ee Dugsiyada Sare.

Sannad-dugsiyeedkii 2014/2015 ee sannadkii  hore oo waxa imtixaanka u fadhiistay tiro u kor u dhaafaysa 24,000 Arday isugu jirta Dugsiyada Dhexe iyo Kuwa Sare.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cllaahi-Dheere), ayaa kormeer ku sameeyey qaar ka mid ah goobaha ay ardaydu ku galayeen imtixaanaadka ee dugsiyada Hargeysa, waxaanu ka hadlay tirada Ardayday iyo codsi wada-shaqayn ah oo uu ka dalbaday ciidamada ammaanka.

- Advertisement -

Latest News

Somaliland warns of heavy Rainfall and flood risks

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government has warned residents across the country to prepare for heavy rainfall, urging government institutions,...
- Advertisement -

More Articles Like This