HomeSomali NewsSomalilandNatiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo la shaaciyey iyo Waxyaabaha ku...

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo la shaaciyey iyo Waxyaabaha ku cusub sannadkan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka ee Somaliland, ayaa Maanta ku dhawaaqay Natiijada imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiga sare ee sannad-dugsiyeedka 2018/2019-ka.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax oo ay hareero fadhiyaan Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Wasaaraddaasi, ayaa sheegay inay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe ay sannadkan u fadhiisteen, 19,874 Arday isla-markaana ay gudbeen 17,038 Arday, halka ay ka dhaceen, 2,562 Arday, waxaanu sheegay inay Imtixaanka aanay gelin 274 Arday oo ka habsaamay.

 

Dhanka kale, Imtixaannaadka Fasallada 4-aad ee Dugsiyada Sare ayuu Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax uu sheegay inay u fadhiisteen Arday Tiradoodu gaadhayso 9,691, waxaana gudbay 8,787 Arday, halka ka dhaceen 723 Arday, taasina waxay ka dhigan tahay ayuu sheegay Daa’uud Axmed Faarax inay sannadkan gudbeen dalka oo dhan 92% tirada ardayda u fadhiistay imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha Imtaxaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax. Gudoomiye Daa’uud ayaa sheegay in ay joojiyeen sannadkan shaacinta 10 ka Arday (Top Ten) ee dalka oo dhan u sarreeya imtixaanaadka balse taas beddelkeeda dugsiyadu dhexdooda is qiimaynayaan.

Gudoomiye Daa’uud ayaa xusay tirada Arday laga masaxay maaddooyin qaar kuwaasi oo ku kacay falal Eegasho (Qish). Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Ardayda u sarraysa dugsiyada dhexe u sheegay in Dugsiga SOS uu sanadkan qaadanayo 343 Arday kuwaas oo loo qaybinayo gobollada dalka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories