Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare oo la soo gebo-gabeeyey iyo Masuuliyiinta Waxbarashada oo ka hadashay Munaasibad loo qabtay

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta la soo gebo-gabeeyey Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee dalka, iyadoo maalintii Salaasada ee 18-kii Bishan uu soo gebo-gaboobay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe.

Munaasibad Xarunta Imtixaanaadka Qaranka ee magaalada Hargeysa loogu qabtay maanta soo-xidhitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2018/2019, waxa ka qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaaraddaas, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu si guul ah oo nabad-gelyo ku soo dhammaaday Imtixaanku, isla markaana ay sannadkan wasaarad ahaan ku guulaysteen inay xakameeyaan caqabado badan oo soo wejihi jiray imtixaanka Shahaadiga ah.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalkan Hoose. 

 

 

 

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This