HomeSomali NewsMaamulka Nuuradiin Schools oo Abaal-marinno Qaali ah Guddoonsiiyey 10-kii Arday ee ugu...

Maamulka Nuuradiin Schools oo Abaal-marinno Qaali ah Guddoonsiiyey 10-kii Arday ee ugu sarreeyey Imtixaanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maamulka Dugsiyada Nuuradiin, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo abaalmarinno qaali ah lagu guddoonsiiyey u qabtay 10-kii Arday ee ugu sarreeyey dugsiyada Nuuradiin oo kaalmaha hore ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalka.

Munaasibadda oo ku qabsoontay Xarunta Dugsiga Sare ee Hablaha ee Nuuradiin, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Aqoonyahan, Abwaanno, Maamulka Sare iyo Ardayda Dugsiyada Nuuradiin, Waalidiin iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn waxa munaasibadda ka hadlay Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo sharraxaad ka bixiyey marxaladihii uu soo maray dugsiyada Nuuradiin iyo dedaallada ay maamul ahaan iyo dugsi ahaan u soo galeen in dugsigu ka mid noqdo Xarumaha Waxbarasho ee ugu wanaagsan dalka oo dugsigu maanta kaalin muhiim ah kaga jiro.

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal kooban ka jeediyay munaasibada, ayaa sheegay in 24 sannadood ka hor Mahad Nuuradiin uu ku bilaabay qol yar, isla markaana uu dedaal badan iyo juhdi geliyay dalkiisa, waana ku hanbalyaynayaa ayuu yidhi, Xirsi oo xusay inay xilligaa saaxiib ahaayeen Nuuradiin, maantana uu ku faraxsanyahay guusha uu gaadhay.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa yidhi, “waxan soo taagnaa Nuuradiin oo Habluhu Daasadaha Caanaha ku fadhiyaan, markii danbena waxan arkay iyagoo kuraas ku fadhiya, maantana Illaahay mahadii.”ayuu yidhi, Faysal.

Sidoo kale, waxa madasha abaalmarinta lagu guddoonsiinayay 10-ka Arday ee ugu sareeyay Dugsiyada Nuuradiin Sheekh Maxamed Ismaaciil oo amaanay akhlaaqiyaadka iyo asturraanta Hablaha Nuuradiin, wuxuuna ku hanbalyeeyay Ardaydii ku guulaysatay abaalmarinta.

 

Dr: Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo sidoo kale ka hadlay munaasibadaa, ayaa amaanay dedaalka dugsiyada Nuurdiin iyo doorka ay kaga jiraan waxbarashada dalka iyo horrumarinta tacliinta, wuxuuna hanbalyeeyay Ardayda kaalmaha hore lagu abaalmariyay ee Dugsiyada Nuuradiin.

 

Abwaan Xasan Dhuxul laabsaalax oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasidaa, ayaa ka sheekeeyay sida uu maamulaha Nuuradiin ugu wanaagsanyahay samafalka, wuxuuna sheegay inuu keligii 19 Arday oo danyar ah u keenay si ay waxbarasho bilaash ah u helaan, isagoo sheegay inuu ka aqbalay Nuuradiin oo Ardaydaasi maanta ka mid yihiin kuwa halkan fadhiya.

SOMALILANDPOST

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories