HomeMaamulaha Guud ee Dahabshiil oo ka hadlay Hawlaha Xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota...

Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo ka hadlay Hawlaha Xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota iyo arrimo kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 19 January, 2012 (SLpost) – Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa markii ugu horreysay ka warramay hawlaha xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota, kaddib xayiraaddii lagu soo rogay toddobaadyo ka hor.

Md. Cabdirashiid oo u warramayay barnaamijka Ganacsiga ee laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC, waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay adeegyada shirkadaha Dahabshiil iyo khudbad uu ka jeediyay Jaamacadda caanka ah ee London School of Economics.

blankMaamulaha Guud ee Dahabshiil waxa uu xusay in xayiraadda lagu soo rogay xawaaladaha Soomaalidu aanay ahayn mid ku baahsanayd guud ahaan dalka Maraykanka, bal se ay ahayd mid ku kooban gobolka Minnesota iyo Bangi ka mid ah bangiyada ay xawaaladuhu wada-shaqaynta la leeyihiin. “Maraykan oo dhan maaha, waa gobolkaas Minnesota, bangiyada oo dhan maaha, waa bangiyada qaar, iyaga oo sharciyada jira ka baqaya waxay yidhaahdeen shirkadaha Soomaalida ee Minnesota ka shaqeeya ma doonayno inaan la shaqaynno. Shirkadaha Soomaalida ee shaqeeya gobolka Minnesota sharcigii way buuxiyeen, cid ku haysata oo leh sharcigii baad ka soo bixi weydeen ma jirto. Waa bangiyada qaar oo ka baqaya in maalin maalmaha ka mid la yidhaahdo lacag baa beri la idin mariyay” ayuu yidhi Md. Cabdirashiid Ducaale.

Cabdirashiid waxa uu ka warramay sida ay illaa iyo iminka u socdaan hawlaha xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota, isaga oo Soomaalida gobolkaas ku dhaqan ka codsaday inay iskaashaadaan, isla markaasna ay warkooda gaadhsiiyaan maamulka dalka Maraykanka. “Shaqadii way socotaa oo dadka waannu u shaqaynnaa. Hawl baa se weli taalla, waxaanan ka codsanayaa dadka Maraykanka jooga iyo Soomaalida gobolkaas ku dhaqan ba in iyaga oo iskaashanaya ay warkooda gaadhsiiyaan Congress-ka, Senate-ka Maraykanka, maxaa yeelay, arrintani waa mid dadka Soomaalida ah oo dhan saameynaysa” ayuu yidhi Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil, isaga oo sheegay in shirkadaha Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ay ilaaliyeen sharciyada u yaalla Maraykanka.

Cabdirashiid waxa uu ka hadlay kaalinta ay adeegyadooda ganacsi kaga jiraan horumarka Soomaalida, isaga oo si gaar ah u xusay doorka shirkadda isgaadhsiinta Teleefannada ee Somtel “Shirkadda Somtel oo Dahabshiil saami ku leeyahay, waxay bulshada u soo bandhigtay Internet iyo Teleefanno aad u jaban. Tusaale ahaan, Cayaaraha Soomaalida oo kale, waxa si toos ah u soo gudbinaysay shirkadda Somtel” ayuu yidhi Maamuluhu, waxaanu tilmaamay in shirkaddiisu ay mar walba caawimo dhaqaale ka geysato arrimaha bulshada ay u adeegto, mar kasta iyo meel kasta.

Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Md. Ducaale waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay khudbad uu shalay ka jeediyay mid ka mid ah Jaamacadaha ugu caansan dunida. “London School of Economics, waa halka ay hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiinta adduunku ka soo baxaan. Markii ay na soo doorteen waxay yidhaahdeen, waddammo dhibaatooyin laga sheego ayaad ka shaqaysaan, markaas waxaannu doonaynaa in aad nooga warrantaan sida aad uga shaqaysaan? Annaga sharaf bay noo tahay in aannu Jaamacaddaas ka hadalno oo aannu dalkeenna wanaaggiisa ka sheekaynno, maxaa yeelay, inta badan xumaan baa la innaga sheegaa” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyay Md. Cabdirashiid MS Ducaale, maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil.

Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories