HomeSomali NewsSomalilandIsbeddel ballaadhan oo sannadkan ka soo baxay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee...

Isbeddel ballaadhan oo sannadkan ka soo baxay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dusgiyada Dhexe/Sare oo maanta la shaaciyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay Natiijada imtixaanaadka Shahaadiga ah Fasalada 8-aad ee Dugsiyada Dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiyada sare ee Sanad-dugsiyeedkii 2013/2014-ka.

Munaasibad shaacinta Natiijada Imtixaaanaadka loogu Qabtay Xafiiska Imtixaanaadka Guud, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hoggaanka Sare ee Guddida Tacliinta Sare, Maamulayaasha Dugsiyada Kala Duwan ee Magaalada Hargeysa, waxana Halkaas lagaga dhawaaqay Natiijada ay imtixaanaadkaas ka heleen ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee dalka oo isugu jira dugsiyada Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dusiyeedkii hore waxa dugsiyada Dhexe u fadhiistay 13,266 Ardayoo Fasallada Siddeed ah, halka ay fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare ay u fadhiisteen 7,799 Arday.

Waxa Halkaas lagaga Dhawaaqay Tobanka Arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe iyo Waliba tobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada Afraad ee Dugsiyada Sare, waxaana Sanadkan Fasallada Siddeedaad kaalinta Koowaad ka galay Dugsiga Dugsiga Ilays oo ku yaala Magaalada Hargeysa, halka fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare Kaalinta Koowaad uu ka galay arday ka tirsan Dugsiga Dayaxa ee magaalada ee Magaalada Burco, iyada oo sannadkan halbeegga tacliinta ee gobollada Togdheer iyo Sanaag laga dareemay kor-u-kac Ballaadhan, iyada oo sannaddadii hore ay kaalmaha hore xuurto ku haysteen dugsiyada gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

SOMALILANDPOST.NEWS

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories