HomeSomali NewsDowladda Jabuuti oo Jawaab Adag ka bixisay Hanjabaad uga timi kooxda Al-Shabaab

Dowladda Jabuuti oo Jawaab Adag ka bixisay Hanjabaad uga timi kooxda Al-Shabaab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Dowladda Jabuuti ayaa jawaab adag ka bixisay hanjabaad ka soo yeedhay Kooxda ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ee Al-Shabaab oo dhawaan ku gooddiday weerarro ay fuliyaan dalkaas oo diyaar-garow doorashooyin ku jira.

Hoggaamiyaha Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan soo saaray muuqaal 20 daqiiqo ah, kaas oo uu kaga hadlay doorashooyinka loo muddeeyey inay 9-ka bishan April ka dhacaan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

War-saxaaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti, ayaa lagu sheegay inaanay hanjabaadaasi ka horjoogsan doonin hawl-gallada ay Ciidamadooda oo qayb ka ah Xoogagga Midowga Afrika ee AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Waxa ay dowladda Jabuuti sheegtay inay walba door firfircoon ka ciyaarayso dedaallada beesha caalamka ugu jirto in xasiloonida lagu soo dabbaalo Soomaaliya.

“Jabuuti waxay tahay, waligeedna sii ahaanaysaa saaxiib laysku halleyn karo oo u darban Soomaaliya iyo dedaallada beesha Caalamka ee xasilinta Soomaaliya,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay, “Al-Shabab waxay si joogta ah u soo saaraysay hanjabaado toos ah oo ka dhan ah wadamada gobolka ee Soomaaliya siinaya taagera ilaa iyo inta uu dalku awood u yeelanayo inuu si buuxda u kafaalo-qaado ammaankiisa”.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa muuqaal 20 daqiiqo ah oo uu dhawaan iska soo duubay, kaga hadlay doorashooyinka 9 bishaan lagu wado in ay ka dhacaan dalka Jabuuti, waxaanu ku hanjabay inay qaraxyo ka geysanayaan dalkaas.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories