Hargeysa: Ujeeddada Kormeer Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaaftu ku maray Madarasadaha Qur’aanka Kariimka ah

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi,  ayaa kormeer uu xaaladda waxbarashada ugu kuur-galayo ku maray qaar ka mid ah madaariista Qur’aanka ee Magaaladda Hargeysa.

Ujeeddada kormeerkaas Wasiirka wasaaradda diinta iyo Awqaafta ayaa ahayd mid uu ugu kuur-galayo qaabka uu u dhaqan galay Manhajka Qur’aanka Kariimka ah ee ay wasaaraddu hirgelisay, waxaana Madarasadaha uu kormeeray ka mid ahaa Madarasadda Cabdilaahi Binu Cabaas, Ab-raar, Daarul Tawfiiq, Daarul-Huda iyo Maryama Bintu Cumraan.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed awasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa sida manhanjkaasi uga socdo warbixin ka siiyay maamulka iyo macalimiinta madarasadahaas uu maraayay, waxaanay xuseen in mahajkaasi u socdo si haboon, isla markaana uu yahay mid kor u qaadaya aqoonta ardayda ee dhanka barashada diiniga ah.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed waxa uu in kor-meerkani noqon doono mid joogto, waxaanu bulshada ugu baaqay in ay ilaaliyaan oo daryeelaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo kuwa Axaadiista oo aan lagu qubin meelaha aan nadiifta ahayn.

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This