HARGEISA (SLpost)- Xilka wareejinta uu maanta sameeyey maayirkii hore ee Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa dhacdo ahaan ka baxsan hab-maamuuska caadiga ah ee maamulka dawladaha hoose, maadaama ay ku soo beegantay jawi siyaasadeed oo ay ka muuqato kala qaybsanaan ka dhex jirta xildhibaannada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.
Maxay Ka Dhigan Tahay In Xilwareejintu Ka Dhacdo Xarunta Ciidanka?
Arrinta ugu hadal-haynta badan ayaa ah in xafladda xilwareejinta lagu qabtay xarunta taliska ciidanka ee Hargeysa halkii ay ka dhici lahayd xarunta dawladda hoose, guriga shaqaalaha ama Hoteellada caasimadda.
Dhinaca taageerayaasha maayirkii hore, waxa lagu macnayn karaa tallaabo lagu sugayey amniga iyo habsami-u-socodka munaasabadda, iyadoo la tixgelinayo murannadii iyo khilaafyadii siyaasadeed ee hadheeyey doorashada maamulka cusub.
Hase yeeshee, dhinaca kale, dadka dhaliila habka xilwareejinta ayaa ku doodaya in goobta la doortay ay astaan u tahay heerka khilaafka siyaasadeed kagaadhay caasimadda, waxaanay muujinaysaa in maamulka cusub iyo kii hore aanay ku heshiin jawi siyaasadeed oo deggan.
Kala Qaybsanaanta Golaha Deegaanka
Wararku waxay tilmaamayaan in qayb weyn oo ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka aanay ka qaybgelin munaasabadda xilwareejinta.
Tani waxay muujin kartaa in khilaafkii ka dhashay doorashadii maayirka cusub aanu weli si buuxda u dhammaan. Golaha deegaanka Hargeysa ayaa muddooyinkii u dambeeyey ahaa goob ay ka muuqato loollan siyaasadeed oo u dhexeeya kooxaha kala taageersan maamulkii hore iyo kan cusub.
Falan-qeeyayaasha siyaasadda iyo indho-dheer garadka Bulshada caasimadda ayaa aaminsan in hadii aan biyo-qabow lagu shubin Khilaafkani uu saamayn ku yeelan karo Ansixinta miisaaniyadda Golaha, Fulinta mashaariicda Horumarinta, Iskaashiga u dhexeeya maamulka cusub iyo mudaneyaasha golaha Deegaanka iyo Kalsoonida shacabka ee maamulka caasimadda.
Farriinta Uu Diray Maayir Mooge
Qodobka ugu muhiimsan ee uu Cabdikariim Mooge ku adkeeyey khudbadiisa ayaa ahaa inuu xilka kaga degay isagoo aan wax dayn ah kaga tagin xafiiska, waxaanu hadalkiisani leeyahay laba farriimood oo isugu jira dhinacyada maamulka iyo siyaasadda. Farriintiisa dhinac maamulka ayaa loo fasiran karaa In maamulka Golaha Deegaanka ee uu hoggaaminayey uu ilaaliyey xasilloonida dhaqaale ee dawladda hoose iyo Farriin Siyaasadeed oo ah In uu isku dayayo inuu bulshada u gudbiyo sawir ah inuu xilka kaga tegay diiwaan maamul oo wanaagsan, taasoo mustaqbalka siyaasaddiisa faa’iido u noqon karta.
Maayirkii hore ee Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa xilka hayey muddo 5 sanno, kaddib markii uu noqday xildhibaankii ugu codka badnaa Golaha Deegaanka Caasimadda ee waligeed la doortay isagoo helay 26kun oo Cod, taas oo ka tarjumaysa in shacabka Hargeysa codkooda kuwada doorteen iyagoo tixgelinaya ballan-qaadyo uu ololaha doorashada ku galay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inuu mideynayayo Shacabka iyo inuu Hargeysa ka dhigi ka dhigi doonto Caasimad cagaaran oo kuwa jaalkeeda ah la jaan-qaadda.
Maxay Ka Filan Karaan Shacabka Hargeysa?
Maamulka cusub ee la wareegay Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa wajahaya caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiine Dhismaha Waddooyin uu ka mid yahay Jidka 150-ka iyo kaabeyaasha Dhaqaalaha, kor u qaadista nadaafadda Caasimadda iyo maareynta qashinka iyo Isku keenista xildhibaannada kala aragtida duwan.
Guusha maamulka cusub kuma xidhnaan doonto oo keliya cidda ku guulaysatay kursiga, balse waxay ku xidhnaan doontaa awoodda uu u leeyahay inuu mideeyo golaha deegaanka isla markaana abuuro jawi wada-shaqayneed oo Bulshada caasimadda mideeya.
Gebo-gebo
Xilwareejinta maanta ka dhacday Hargeysa waxay ahayd dhacdo muujinaysa dhammaadka maamulkii Cabdikariim Axmed Mooge, balse sidoo kale waxay daaha ka rogtay kala qaybsanaanta siyaasadeed ee weli ka dhex jirta Golaha Deegaanka Caasimadda. Inkasta oo xilka si rasmi ah loo wareejiyey, haddana maamulka cusub waxa horyaalla hawsha ugu adag ee ah dib-u-dhiska kalsoonida siyaasadeed iyo mideynta golaha deegaanka si loo dardar-geliyo horumarka Hargeysa.
Somalilandpost.news
Hargeysa/Somaliland


