Hargeysa (SLpost) – Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo gelinkii dambe ee maanta ka qabsoomay Madaxtooyada, ayaan gebi ahaanba lagu soo hadal-qaadin cabashooyinka ay gelinkii hore ee maanta warbaahinta ka sheegeen qaar ka mid ah bukaanada kelyaha loogu sifeeyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Bukaanada iyo qaar ka mid ah waxgaradka bulshada, ayaa Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ugu baaqay inuu si degdeg ah u soo farageliyo xaaladda aan loo dul-qaadan karin oo ay sheegeen inay ka jirto qaybta sifaynta kelyaha ee cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Hase yeeshee, war-saxaafadeed laga soo saaray shirka Golaha Wasiirrada caawa, ayaan gebi ahaanba lagu soo hadal-qaadin arrintaas, inkasta oo kulanka lagu falanqeeyey arrimo kala duwan oo khuseeya siyaasadda calafka xoolaha, amniga, dhaqaalaha, dijitaalaynta adeegyada dawladda, ciyaaraha, arrimaha dastuurka iyo siyaasadda dibedda.
Qodobka ugu weyn ee shirka ayaa ahaa ansixinta Siyaasadda Qaran ee Calafka Xoolaha oo Golaha Wasiirradu cod gacan-taag ah ku meel mariyeen, kaas oo lagu tilmaamay inuu laf-dhabar u noqon doono sugnaanta calafka xoolaha, horumarinta wax-soo-saarka iyo adkaysiga bulshada reer miyiga ah.
Goluhu waxa kale oo uu warbixinno ka dhegaystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Arrimaha Dibedda. Warbixinnadaasi waxay diiradda saareen xaaladda amniga dalka, saamaynta dhaqaale ee colaadaha Bariga Dhexe, diyaarinta miisaaniyadda 2027, qorshaha dijitaalaynta adeegyada dawladda, horumarinta nidaamka sharci-dejinta iyo dedaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Golaha uga warramay diyaar-garowga Horyaalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland iyo qabanqaabada tartanka Marathon-ka oo la qorsheeyey inuu dalka ka qabsoomo bisha August.
Maqnaanshaha wax hadal ah oo ku saabsan cabashada bukaanada kelyaha ee shirka Golaha Wasiirrada, ayaa imanaya iyadoo arrintani maanta si weyn uga dhex muuqatay warbaahinta iyo baraha bulshada. Wasiirka Caafimaadka oo arrintan ka hadlay, ayaa cabashada ay soo bandhigeen bukaanka kelyaha loo sifeeyo ku tilmaamay mid la soo abaabulay oo gacmo shisheeye ku jiraan.
Wararka Somalilandpost News


