HomeSomaliland oo Dacwad ka dhan Soomaaliya u gudbinaysa Maxkamadaha Caalamiga ah

Somaliland oo Dacwad ka dhan Soomaaliya u gudbinaysa Maxkamadaha Caalamiga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay kiiskeeda Madax-banaanida u gudbinayso Maxkamadaha Caalamiga ah ee Adduunka.

blankWasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dacwadda madax-bannaanida Somaliland u gudbinagso maxkamadaha caalamka.

Wasiirka oo khudbad u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka, ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ka dacwaynayaan Maxkamadaha waa weyn ee caalamka.

“Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaynu u baahan nahay in aynu dowladda Soomaaliya gayno Maxkamad kasta oo Adduunka ah,” ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd Maxamuud, waxaanu intaa ku daray in Maxkamadaha Afrika, Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ iyo kuwa Carabta ay gaynayaan doodda Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwadda Madax-banaanida Somaliland oo uu sheegay inay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay in ay doodda qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland u gudbinayso baarlamaanada dowladaha caalamka, ka dib markii Wasaaradda arrimaha dibeddu bishii hore ee sannadkan iskugu yeedhay wakiillada Somaliland ee dalalka Caalamka.

Hadalka Wasiir Kayd, ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Maraykanku diyaarinayso heshiis iskaashi oo dhex mara Somaliland.

Guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Sanet-ka Maraykanka, ayaa Khamiistii soo saaray Sharci jidaynaya in Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanku uu Aqalka Congress-ka Maraykanka u gudbiyo war-bixin ku saabsan sida ay iskaashi u yeelan karaan Somaliland iyo Maraykanku.

Arrimahan ayaa ku yimid, safar shaqo oo Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku joogaan Magaalada Washingto DC, kuwaasi oo halkaa kula kulmay Guddiyada arrimaha dibedda ee Sanet-ka iyo Congress-ka Maraykanka iyo sidoo kale Guddiga Amniga Qaranka Maraykanka ee uu guddoomiyaha u yahay Madaxweynaha dalkaasi Joe Biden.

Weftiga Somaliland oo weli ku sugan Magaalada Washington, ayaa sidoo kale la kulmay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, gaar ahaan waaxda arrimaha Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories