Weerar loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayey Iran ku qaaday Saldhigga Milatariga ee Prince Sultan ee dalka Sacuudiga, waxaanay halkaas ku burburiyeen diyaarad Maraykan ah oo nooca E-3 AWACS ah, taas oo ka mid ahayd qalabka ugu muhiimsan ee Basaasidda iyo kormeerka hawada ee ciidamada Mareykanka.
Saraakiil Maraykan ah ayaa xaqiijiyay in diyaaraddani si buuxda u gubatay, halka dhowr diyaaradood oo kale oo ah nooca Shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha dagaalka khasaare ba’ani soo gaadhay.
Weerarka oo dhacay Khamiistii, waxa kale oo khasaaraha uu geystay ka mid ah 13 askari oo Mareykan ah oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen.
Weerarkan ayaa noqday khasaaraha ugu weyn ee Washington soo gaadha tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Bariga Dhexe.
E 3 Sentry Awacs Aircraft Destroyed In Saudi Arabia Airport
Maxay Tahay Diyaaradda AWACS-ka ee La Burburiyay?
Diyaaradda la burburiyay oo loo yaqaano E-3 Sentry AWACS waa diyaarad basaasnimo loo adeegsado iyadoo masaafo fog ka ogaan karta diyaaradaha, gantaallada iyo drones-ka. Waxa kale oo ay qabataa Maamulka iyo isku-dubba ridka hawlgallada cirka, iyadoo isku xidhi karta dhammaan isgaadhsiinta Ciidama cirka.
Khasaaraha AWACS-ka ayaa hoos u dhigaya Awoodda Militari ee Maraykanku ku maamulo hawlgallada gobolka, xilli ay dowladda Iran kordhisay weerarradeeda ka dhanka ah cadowgeeda iyo awooda ay leeyihiin gantaallaheeda.
Maxay Iiraan U Bartilmaameedsatay Saldhigga Prince Sultan?
Saldhiggan oo fadhiisin u ah ciidamada dalka ugu awood badan caalamka, wuxuu ku yaal gudaha Sacuudiga oo aad uga fog xuduudda Iran, waxaana ilaaliya difaacyo badan oo casri ah. Haseyeeshee, Iran waxa ay muujisay inay beegsan karto meel kasta oo halis ku ah ammaanka dalkeeda si ay u wiiqo Awoodda uu cadowgeedu u leeyahay inuu hawl-gallo duqeymo ah ka fuliyo dalkeeda. Xukuumadda Tehran waxa ay sheegtay in weerarkan uu jawaab-cellin u yahay weerrada Mareykanka iyo Israa’iil.
Maxay Ka Dhigan Tahay Tallaabadani?
Guul-darrada Maraykanka ka soo gaadhay weerarkani, wuxuu hoos u dhigayaa Awoodda ciidamadiisa cirka. Diyaaraddan la burburiyey oo ahayd ta kaliya nooceeda ee Maraykanka ka joogta Bariga Dhexe, waxa ay ciidamada Cirka ee Maraykanku ku tiirsanaan doonaan xogta ay u soo gudbiyaan Dayax-gacmeedyada wax basaasa iyo Raadaallada Ku Rakiban Maraakiibta. Sidoo kale, waxa ay tani ka dhigan tahay inay Iiraan si fudud u beegsan karto Saldhigyada Mareykanka ku leeyahay Khaliijka, iyadoo ay halis ku jiraan saldhigyada uu ku leeyahay dalalka Qatar, Bahrain, Sacuudiga & Imaaraadka oo hore dhaawacyo loo gaadhsiiyey.
Si kastaba ha ahaatee, weerarka Iran ee Saldhigga Prince Sultan iyo burburinta diyaaradda AWACS, waxa uu noqonayaa dhacdo si weyn u beddeli karta miisaanka militari ee gobolka. Waxaa la filayaa in Mareykanka iyo xulafada Khaliijka ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo amniga lagu adkaynayo, halka Iiraan ay u muuqato mid diyaar u ah inay sii ballaadhiso Gantaalaha iyo Drone-ka ay ku beegsanayso Israa’iil iyo Danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe.
Somalilandpost.news

