Isku-Shaandheyn Lagu Sameeyey Maamuleyaasha Dugsiyada Sare ee Gobolka Maroodijeex

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isku-beddel, magacaabis iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey maamulayaasha dugsiyada sare ee dawladda ee Gobolka Maroodi-jeex, sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday Xafiiska Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex.

Wareegtada oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Maroodijeex, Khadar Cabdi Ibraahim, ayaa wareegto uu maanta soo saaray, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe lagu horumarinayo maamulka dugsiyada sare, korna loogu qaadayo hufnaanta iyo tayada adeegyada waxbarashada.

Sida wareegtada lagu sheegay, go’aanka waxaa lagu saleeyey qiimayn lagu sameeyey habsami-u-socodka maamulka, waxqabadka maamulayaasha iyo baahida loo qabo in la xoojiyo hoggaanka dugsiyada sare ee gobolka.

Maamuleyaasha La Magacaabay

  1. Maxamed Faarax Cali – Maamulaha Dugsiga Sare ee M.A. Ali
  2. Maxamed Ciise Cabdillaahi – Maamulaha Dugsiga Sare ee Gaandi
  3. Mustafe Maxamed Burmad – Maamulaha Dugsiga Sare ee Sh. Cali Ibraahim
  4. Shaqale Axmed Xasan – Maamulaha Dugsiga Sare ee 26 June
  5. Maxamed Cali Aadan – Maamulaha Dugsiga Sare ee Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar (Ex-Gacanlibaax)
  6. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed – Maamulaha Dugsiga Sare ee Warancade
  7. Muuse Nuur Maxamed – Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomar
  8. Hamse Maxamed Aadan – Maamulaha Dugsiga Sare ee Quule Aadan
  9. Kayse Xasan Yaasiin – Maamulaha Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed
  10. Najiib Aadan Axmed – Maamulaha Dugsiga Sare ee Dayib Gurey
  11. Deeq Muuse Guuleed – Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamed Mooge
  12. Axmed Yuusuf Cali – Maamulaha Dugsiga Sare ee M.A. SHEEF
  13. Maxamed Cabdi Daahir – Maamulaha Dugsiga Sare ee Cali Sanyare
  14. Mubaarik Rashiid Dharmac – Maamulaha Dugsiga Sare ee Cadaadley
  15. Cali Maxamed Askar – Maamulaha Dugsiga Sare ee Balli-Mataan
  16. Nuux Axmed Yuusuf – Maamulaha Dugsiga Sare ee Dacar Budhuq
  17. Nuur Muuse Diriye – Maamulaha Dugsiga Sare ee Jaleelo Secondary
  18. Maxamed Maxamuud Ibraahin – Maamulaha Dugsiga Sare ee Salaxley
  19. Nasir Yuusuf Wacays Mahamud – Maamulaha Dugsiga Sare ee Sh. M. Suufi
  20. Amiin Mahmoud Axmed – Maamulaha Dugsiga Sare ee XARAF
  21. Cali Axmed Balayax Xirsi – Lataliyaha Tayaynta Waxbarashada ee Gobolka Maroodi-jeex
  22. Maxamuud Ibraahim Maxamed – Maamule Ku-xigeenka Dugsiga Sare ee Maxamed Mooge

Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashadu waxay fartay dhammaan maamulayaasha xilalka wareejinaya iyo kuwa cusub in ay muddo laba maalmood gudahood ah ku soo dhammaystiraan xil-wareejinta, isla markaana ay si rasmi ah u gudbiyaan dhammaan hantida iyo agabka dugsiyada ay maamulayeen.

Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey Maamuleyaasha Dugsiyada Sare Ee Gobolka Maroodijeex 1
Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey Maamuleyaasha Dugsiyada Sare Ee Gobolka Maroodijeex 1

Wararka Somalilandpost News

- Advertisement -

Latest News

Crowds Fill Hargeisa Streets as Somalilanders Celebrate Trump’s Remarks

Crowds gather in Hargeisa to celebrate Donald Trump’s remarks on Somaliland, raising hopes among residents for closer US ties and potential recognition.
- Advertisement -

More Articles Like This