Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isku-beddel, magacaabis iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey maamulayaasha dugsiyada sare ee dawladda ee Gobolka Maroodi-jeex, sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday Xafiiska Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex.
Wareegtada oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Maroodijeex, Khadar Cabdi Ibraahim, ayaa wareegto uu maanta soo saaray, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe lagu horumarinayo maamulka dugsiyada sare, korna loogu qaadayo hufnaanta iyo tayada adeegyada waxbarashada.
Sida wareegtada lagu sheegay, go’aanka waxaa lagu saleeyey qiimayn lagu sameeyey habsami-u-socodka maamulka, waxqabadka maamulayaasha iyo baahida loo qabo in la xoojiyo hoggaanka dugsiyada sare ee gobolka.
Maamuleyaasha La Magacaabay
- Maxamed Faarax Cali – Maamulaha Dugsiga Sare ee M.A. Ali
- Maxamed Ciise Cabdillaahi – Maamulaha Dugsiga Sare ee Gaandi
- Mustafe Maxamed Burmad – Maamulaha Dugsiga Sare ee Sh. Cali Ibraahim
- Shaqale Axmed Xasan – Maamulaha Dugsiga Sare ee 26 June
- Maxamed Cali Aadan – Maamulaha Dugsiga Sare ee Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar (Ex-Gacanlibaax)
- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed – Maamulaha Dugsiga Sare ee Warancade
- Muuse Nuur Maxamed – Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomar
- Hamse Maxamed Aadan – Maamulaha Dugsiga Sare ee Quule Aadan
- Kayse Xasan Yaasiin – Maamulaha Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed
- Najiib Aadan Axmed – Maamulaha Dugsiga Sare ee Dayib Gurey
- Deeq Muuse Guuleed – Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamed Mooge
- Axmed Yuusuf Cali – Maamulaha Dugsiga Sare ee M.A. SHEEF
- Maxamed Cabdi Daahir – Maamulaha Dugsiga Sare ee Cali Sanyare
- Mubaarik Rashiid Dharmac – Maamulaha Dugsiga Sare ee Cadaadley
- Cali Maxamed Askar – Maamulaha Dugsiga Sare ee Balli-Mataan
- Nuux Axmed Yuusuf – Maamulaha Dugsiga Sare ee Dacar Budhuq
- Nuur Muuse Diriye – Maamulaha Dugsiga Sare ee Jaleelo Secondary
- Maxamed Maxamuud Ibraahin – Maamulaha Dugsiga Sare ee Salaxley
- Nasir Yuusuf Wacays Mahamud – Maamulaha Dugsiga Sare ee Sh. M. Suufi
- Amiin Mahmoud Axmed – Maamulaha Dugsiga Sare ee XARAF
- Cali Axmed Balayax Xirsi – Lataliyaha Tayaynta Waxbarashada ee Gobolka Maroodi-jeex
- Maxamuud Ibraahim Maxamed – Maamule Ku-xigeenka Dugsiga Sare ee Maxamed Mooge
Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashadu waxay fartay dhammaan maamulayaasha xilalka wareejinaya iyo kuwa cusub in ay muddo laba maalmood gudahood ah ku soo dhammaystiraan xil-wareejinta, isla markaana ay si rasmi ah u gudbiyaan dhammaan hantida iyo agabka dugsiyada ay maamulayeen.

Wararka Somalilandpost News
