HomeSomali NewsSomalilandGuddida Tacliinta Sare oo Go’aan ka Gaadhay Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Berbera

Guddida Tacliinta Sare oo Go’aan ka Gaadhay Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Guddida Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u go’aamiyey in albaabada la isugu dhufto Jaamacadda Rift Valley faraceeda magaalada Berbera, kadib markii la sheegay in jaamacaddu ku guul-darraysatay inay buuxiso halbeegyada iyo shuruudaha looga baahan yahay jaamacadaha dalka.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare, Prof. Xasan Cumar Halas, kuna taariikhaysan 23-ka July 2026, ayaa lagu sheegay in go’aankani ka dhashay kormeer iyo qiimayn ay guddidu ku samaysay jaamacadda intii u dhaxaysay 14-kii ilaa 16-kii July 2026.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, guddidu waxay baadhitaanka ku ogaatay in Jaamacadda Rift Valley, faraceeda Berbera ay dib u bilowday shaqada iyadoo aan haysan oggolaansho rasmi ah oo ka yimi Guddida Tacliinta Sare. Waxa kale oo lagu sheegay inaanay jaamacaddu buuxin 16-ka halbeeg ee ugu yar (Minimum Standards) ee lagu maamulo tayada tacliinta sare ee Somaliland.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in jaamacaddu aanay lahayn adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin maktabad ku filan iyo agab waxbarasho oo waafaqsan heerarka qaranka. Sidoo kale, guddidu waxay sheegtay in maamulka jaamacaddu aanu fulin sixitaanno iyo awaamiir hore oo loo soo jeediyey si loo waafajiyo shuruucda dalka.

Guddida Tacliinta Sare waxay sidoo kale ku eedaysay jaamacadda inay qabatay hawlo tacliinka la xidhiidha, oo ay ka mid yihiin Thesis Defense Proposal, iyadoo aan la buuxin shuruudihii sharci iyo nidaam ee looga baahnaa hay’adaha tacliinta sare.

Go’aanka guddidu wuxuu dhigaya in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka July 2026 la joojiyo dhammaan hawlaha Jaamacadda Rift Valley ee Berbera, isla markaana aan la diiwaangelin karin arday cusub.

Dhanka kale, Guddida Tacliinta Sare ayaa sheegtay in la diyaarin doono hannaan lagu wareejinayo ardayda wax ka baranaysay jaamacadda jaamacadaha kale ee ku yaalla magaalada Berbera, si aanay waxbarashadoodu u hakad gelin.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in tallaabadan lagu saleeyey qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeerka Waxbarashada Qaranka iyo xeerarka u dejisan nidaaminta iyo ilaalinta tayada tacliinta sare.

Guddida Tacliinta Sare waxay ugu dambayn ku gooddiyeen inay sii wadi doonaan kormeerka iyo qiimaynta jaamacadaha dalka, isla markaana tallaabo sharci laga qaadi doono hay’ad kasta oo ku guul-darraysata inay u hoggaansanto shuruudaha iyo halbeegyada lagu xaqiijinayo tayada waxbarashada sare ee dalka.

Guddida Tacliinta Sare Oo Goaan Ka Gaadhay Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Berbera 3
Go’aanka Guddida Tacliinta Sare Ka Gaadhay Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Berbera
Guddida Tacliinta Sare Oo Goaan Ka Gaadhay Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Berbera 1
Go’aanka Guddida Tacliinta Sare Ka Gaadhay Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Berbera
Guddida Tacliinta Sare Oo Goaan Ka Gaadhay Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Berbera 2
Go’aanka Guddida Tacliinta Sare Ka Gaadhay Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Berbera

Reporting by Somalilandpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories