HomeMadaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Arrimaha Debedda oo masuuliyiin Cusub u magacaabay Xafiiska...

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Arrimaha Debedda oo masuuliyiin Cusub u magacaabay Xafiiska isku-xidhka Jaaliyadaha Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 18 February, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland M.d Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay masuul cusub oo uu yeelanayo Xafiiska isku-xidhka Qurbe-joogta Somaliland oo uu todobaadkii hore xilka ka qaaday Guddimiyihii hay’addaas, iyada oo isla markaana maamulkeeda la hoos geeyey wasaaradda Arrimaha Dibadda oo isla maanta wasiirkeedun hay’addan ku soo kordhiyey xilal cusub oo uu magacaabay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada isla markaana lagu shaaciyey go’aanka xil-magacaabista ee madaxweynaha ayaa u dhignaa:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0199/022012 ku magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland.

Madaxweynuhu:-

MARKUU ARKAY:  Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

MARKUU TIXGELIYEY:   Ahmiyadda Jaaliyadaha  Somaliland u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

MARKUU ARKAY:      baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.

MARKUU KA FIIRSADAY:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

MARKUU KU QANCAY:      in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

WUXUU GO’AANSADAY

In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda  maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha ee Somaliland. Xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.”

Dhinaca kale, war-murtiyeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha debedda ayaa lagu xusay magacaabista masuuliyiin cusub oo xilalkoodu ku cusub yihiin hay’adda isku xidhka Qurbe-joogta oo la hoos keenay wasaaradda Arrimaha debedda, Waxaana lagu sheegay in wasiirku uu tallaabadan magacaabista masuuliyiinta u qaaday si uu u dar-dar geliyo hawlaha uu xafiiskani qaranka u hayo.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa saddex masuul oo xilal kala duwan xambaarsan u magacaabay xafiiskan kuwaas oo kala ah Cabdi Maxamed Ismaaciil- Guddoomiye ku-xigeen, Jibriil Cali Muuse- Xidhiidhka Debedda iyo Cabdicasiis Axmed Muuse-Agaasimaha Fulinta.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories