Boodhari Mills: Laf-dhabarta Wax-soo-saarka iyo Horumarka Dhaqaalaha Somaliland

Published on

HARGEYSA (SLpost)- Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagay xarunta warshadda Boodhari Mills oo ku taalla duleedka Hargeysa, qiyaastii 10km dhanka galbeed kaga beegan magaalada.

Warshaddan oo ka mid ah mashaariicda Ugu Muhiim san wax-soo-saarka dalka, ayaa soo saarta daqiiqda iyo calafka xoolaha, iyada oo door muuqda ka qaadanaysa horumarinta dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Boodhari Mills 2
Wershadda Daqiiqda ee Boodhari Mills ayaa ku taallaa Duleedka Galbeed ee Hargeysa

Kormeerkan waxaa ka qayb galay wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, Wasiirka Biyaha Maxamed Cabdimaalik, iyo Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha Siciid Maxamed Buraale, sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka Hoodaale Maxamuud Qaliib iyo ganacsato kale.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd xoojinta iyo dardargelinta maalgashiga gudaha, gaar ahaan warshadaha wax-soo-saarka ee muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha Warshadda Boodhari Mills, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur, ayaa masuuliyiinta si faahfaahsan uga warbixiyey habsami u socodka shaqada warshadda, heerarka wax-soo-saarka, iyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka. Iyo Saamiga gabagabada ama dhamaadka ah, ee warshaddu so bandhigtay si ay u gaadho baaxad sare xaga soo saarka maciishada daqiiqda.  Oo Somaalidu ku kharashgarayso in ka badan $360 million oo dollar sanad walba.

Kormeerka Wasiirada
Wasiirrada Qorsheynta Qaranka, Maalgeshiga iyo Horumarinta Biyaha Oo Booqday Wershada Boodhari Mills

Guddoomiyaha Ururka Hoodaale, Maxamuud Qaalib, ayaa si gaar ah u ammaanay saamilayda warshadda, isaga oo ku tilmaamay maalgashigooda mid tusaale u ah ganacsatada kale ee doonaya inay dalka ku horumariyaan warshado wax-soo-saar leh.

Dhanka kale, Wasiirrada Biyaha iyo Qorshaynta ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda maalgashigu u leeyahay kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, iyo yareynta ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno. Waxay sidoo kale tilmaameen in warshadaha noocan ahi ay laf-dhabar u yihiin horumarka dalka.

Gabagabadii, Wasiirka Maalgashiga Siciid Maxamed Buraale oo soo xidhay kormeerka ayaa sheegay in xukuumaddu si buuxda u garab taagan tahay cid kasta oo doonaysa inay dalka maalgashi ka samayso. Wuxuu ku ammaanay Warshadda Boodhari Mills kaalinta ay ka qaadanayso wax-soo-saarka gudaha iyo inay tusaale u tahay maalgashi guuleystay.

Intii uu socday kormeerku, wasiirradu waxay soo mareen qaybaha kala duwan ee warshadda, iyaga oo si dhow u indha-indheeyey hababka wax-soo-saarka iyo tayada badeecadaha,Booqashadooda waxay dhiiri galin u tahay wax soo saarka Warshada iyo saamilayda samaysay Maalgashiga Warshada Daqiiqda Iyo Calafka Xoolaha Ee Boodhari Mills

 

Somalilandpost.news

Hargeysa/Somaliland

Latest articles

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has held a meeting with Taiwan’s...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved a resolution calling for justice...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National Security, Abdalle Mohamed Arab, has...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following reports that security forces have...

More like this

“Awoodda Dowladdu Ma Noqon Karto Aalad Lagu Aamusiiyo Muwaadiniinta” – Waddani, Kulmiye iyo KAAH oo Digniin Culus U diray Xukuumadda Madaxweyne Cirro

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo KAAH ayaa bayaan wadajir ah oo maanta soo...

Xasan Galleydh Oo Noqday Wariyihii 47-aad ee Xabsiga Loo Taxaabo Laba Sanno Gudahood

Hargeysa (SLpost)- Wariye Xasan Galleydh, oo ka mid ah suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa...

Somaliland Lawmaker Raises Civil Liberties Concerns amid Washington Recognition Push

“You cannot lobby Washington for Somaliland to be recognized as a democratic country while...