HomeSomali NewsCaalamkaLiibiya: Saif Al-islam oo la qabtay, Qandaafi oo la baadi-goobayo, Tripoli oo...

Liibiya: Saif Al-islam oo la qabtay, Qandaafi oo la baadi-goobayo, Tripoli oo mucaaradka u gacan-gashay & wararkii u dambeeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli, (SLpost)-Laba wiil oo uu dhalay Madaxweynaha Liibiya ee sii socda ayaa xalay lagu qabtay magaalada Tripoli, ka dib markii ilaa shalay dagaal kululi dhex-maray ciidamada isbedel-doonka ah iyo kuwa u daacada ah Mucamar Al-Qandaafi.

Saif Al-islam Al-Qandaafi iyo Maxamed Al-Qandaafi, ayaa xalay niskii dambe shaaca laga qaaday inay gacanta u galeen cadowgooda, ka dib markii ay mucaaradku galeen magaalada caasimada dalkaas ee Tripoli. Sida ay faafiyeen taleefishanada caalamku cadaadis badan kalamay kulmin ciidamada mucaaradku guda-galka caasimada, isla markaana waxa xalay fiidnimadii isdhiibay ciidanka ilaalada gaarka Madaxtooyada.

Wararku waxay sheegeen in ka hor intii aanay caasimada galin ay kacdoono ka kaceen gudaha magaalada. Abaare 02:00 habeenimo ee xalay ayay wararka qaarkood sheegeen in ciidamada mucaaradka iyo kuwa u daacada ah Mucamar Al-Qandaafi uu iska hor-imaad ku dhex-maray badhtamaha caasimada, khaasatan fagaaraha xorriyada ee loo yaqaano Green Square.  “Waar qoryaha qaata…waar qabaa’iladow cadowgiina u midooba….waar dhamaantiin qoriga qaata oo isugu soo baxa sidii aad xoriyadiina u difaacan lahaydeen, hadii kale waxaydun adeegayaal u noqon doontaan reer galbeed, Faransiis, Ingiriis iyo gumaystayaal idinku soo noolaada….” Sidaa waxa hadalkiisii ugu dambeeyay ku lahaa Mucamar Al-Qandaafi. “Anigu waan joogayaa Tripoli ilaa dhibicda ugu dambaysa ee dhiigayga ahi baxayso…..iska celiya…..la dagaalama kuwa u adeegaya gumaysiga….” Ayaa ka mid ahaa hadalkiisii. Dhanka kale, Saif Al-islam Al-Qandaafi oo ahaa wiilka ugu kululaa ubadka uu dhalay Qandaafi, isla markaana aadka loo yaqaanay ayaa la cadeeyay inay mucaaradku gacanta ku hayaan, isla markaana walaalkii oo ka yar ayaa isagana xalay niskii dambe mar gurigiisa la galay gacanta lagu dhigay. “Haa, waanu haynaa Saif Al-islam, ciidamada ayaana gacanta ku haya, xaaladiisuna way fiican tahay. Markaa haa taas waan kuu cadaynayaa…..” sidaa waxa yidhi afhayeenka mucaaradka Liibiya oo la waydiiyay inay gacanta ku dhigeen wiilka uu dhalay hogaamiyaha Liibiya.

Mr Mucamar Al-Qandaafi ayaa isna ay wararku sheegayaan inaanu ilaa xalay niskii dambe ku sugnayn gudaha daka Liibiya, iyada oo ay wararka qaarkood sheegeen inay jireen laba diyaaradood oo laga leeyahay Koonfur Afrika oo lagu arkayay garoonka diyaaradaha Tripoli, kuwaasoo lagu waday inay qaadaan Mucamar Qandaafi iyo qoyskiisa, inkasta oo ay taas beeniyeen dawladda Koonfur Afrika. Sidoo kalena waxa jiray warar sheegayay inaanu Qandaafi jooginba maalmihii la soo dhaafay caasimada, farriimaha uu soo dirayayna ay ahaayeen kuwo laga soo tebinayay. Warar kale ayaa iyagu tibaaxay inuu xalay ku dhawaa mid ka mid ah xuduudaha ay Liibiya la wadaato dalalka Jaadh iyo Aljeeriya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories