HomeSomali NewsSomalilandImtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo ay maanta u...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo ay maanta u fadhiisteen tiradii ugu badnayd

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare, ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Ku dhawaad 22 kun oo arday isugu jirta fasallada 8-aad ee dugsiyada Dhexe iyo 4-aad ee dugsiyada sare, ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah oo ay ardaydu ku dhammaystaan waxbarashada dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda, ayaa maanta kormeer ku maray goobaha ay imtixaanaadku ka socdaan ee magaalada Hargeysa, iyada oo sannadkan isbeddel qaabka imtixaan diyaarinta ah uu kaga duwanaa xilliyadii hore oo macalimiinta dugsiyada wax ka dhigta qayb ka qaadan jireen diyaarinta imtixaanka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay in imtixaanka maanta isku mar ka bilaabmay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

“Meel kasta oo xuduudaha Somaliland ah imtixaanku si wanaagsan ayuu uga socdaa, waa Illaahay mahaddii,” ayey tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan oo warbaabinta la hadlaysay iyada oo kormeer ku samaynaysay qaybo ka mid ah goobaha imtixaanku ka socda ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa isaguna sheegay, “Maanta oo bishu tahay 21 waxa bilaabmay imtixaannadii shahaadiga ahaa ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada Dhexe, waxaanay ka bilaabmeen dalka daraf ilaa daraf. Imtixaanada waxa u fadhiisanaysa 7,779 arday oo dugsiga sare ah iyo 13,320 arday oo fasallada siddeedaad ee dugsiyada Dhexe ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Tirada Ardayda Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah, ayaa noqonaysa tii ugu badnayd muddadii ka dambaysay Aasaaskii dhismaha Qaranimada Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories