HomeLatest NewsMadaxweynaha Somaliland oo Farriin Garnaqsi iyo Digniin Isugu Jirta U Diray Beesha...

Madaxweynaha Somaliland oo Farriin Garnaqsi iyo Digniin Isugu Jirta U Diray Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEISA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xuska sannad-guurada 35-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland oo maanta ku beegan.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda 18-ka May, isaga oo ku tilmaamay maalin astaan u ah halgan, midnimo, adkaysi iyo guul qaran.

Waxa uu sheegay in sannadkan xuska 18-ka May uu leeyahay miisaan taariikheed oo ka duwan sannadihii hore, maadaama ay Somaliland u dabbaal-degayso munaasibaddan iyada oo haysata aqoonsi caalami ah, taas oo uu ku tilmaamay guul kasoo baxday dadaal dheer oo ay shacabka iyo dawladdu wada-jir isaga kaashadeen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey in qaranimada Somaliland tahay doorasho ay shacabka Somaliland si buuxda u yeesheen, isla markaana aanay ahayn arrin gorgortan geli karta ama laga noqon karo.

Waxa uu bulshada caalamka uga digay isku day kasta oo lagu doonayo in dib loogu celiyo nidaamyo ama dawladnimo aan waafaqsanayn xaqiiqada siyaasadeed iyo rabitaanka shacabka, isaga oo sheegay in waayo-aragnimadii hore ay dunida bartay in aan la isku qasbi karin bulshooyin iyo nidaamyo aan isqaadan karin.

Xuska 18 May 2026 4
Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dalalka dunida inay qaataan casharrada ka muuqda gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay taageeraan waddooyinka nabadda, dimuqraadiyadda iyo xaqa ay ummaduhu u leeyihiin inay ka tashadaan mustaqbalkooda.

Sidoo kale, waxa uu bogaadiyey shacabka Somaliland doorka ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda, dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah, isaga oo xusay in isku duubnida bulshada iyo adkaysiga shacabka ay saldhig u noqdeen guulaha maanta la gaadhay.

Madaxweynaha ayaa mahadnaq gaar ah u jeediyey ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, kuwaas oo uu ku ammaanay difaaca dalka, ilaalinta amniga iyo doorka ay ka qaataan adkaynta jiritaanka qaranka.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa ugu dambayn xanbaarsanayd farriin ku wajahan mustaqbalka Somaliland, isaga oo sheegay in xukuumaddiisu sii wadi doonto xoojinta dawladnimada, horumarinta dhaqaalaha, ballaadhinta xidhiidhada dibadda iyo ilaalinta danaha qaranka.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ee munaasibadda 18-ka May ayaa noqday mid si weyn diiradda u saaray qaranimada, aqoonsiga caalamiga ah, xaqa aayo-ka-tashiga iyo farriimo uu u diray Soomaalida kale iyo Beesha caalamka.

Xuska 18 May 2026 24
Xuska 18 May 2026 24
Xuska 18 May 2026 15
Xuska 18 May 2026 15
Xuska 18 May 2026 17
Xuska 18 May 2026 17

SOURCE: Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories