QM oo soo saartay Warbixin sanadeed lagaga hadlayay xad gudubyada ay la kulmaan carruurta caalamka

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

NEWYORK (SLPOST)- xad gudubyada ay la kulmaan caruurta caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada safka hore uga jira wadamada caruurta lagu askareeyo ama dagaal loogu adeegsado.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu sheegay in dhawr wadan oo caalamka ah haba ugu badnaadaane kuwa ku yaala Q,M Africa ay ka mid yihiin wadamada caruurta xaquuqdooda lagu tunto oo loo adeeegsado dagaalo ama xataa la askareeyo.

Ban Ki Moon Xog’hayaha guud ee JQM warbixintii ugu dambeysay ee uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in dalalka Soomalia Labada Sudan, Chad, Koongada dimoqraadiga ah, Yemen, Syria, Myanmar dawladaha ka jira ay askartooda ku jiraan caruur fara badan oo ka qeyb qaata dagaalada.

Sidoo kale ururada hubeysan ee qaarkood ay Al-Qacida xiriirka la leeyihiin ee ka jira Soomaaliya Mali, Iraq, Afghanistan, ayaa iyana aad u askareeya caruurta oo hub u dhiiba si ay ugu dagaalamaan.

Marka loo eego nuxurka warbixintaan ee dhanka Soomaaliya macnunhu waxaa uu yahay in dawlada Soomaaliya iyo Xarakadda Al-Shabab oo kasoo horjeeda ay caruur yar yar askareeyaan oo ay u adeegsadaan dagaalada ay iskala soo horjeedaan.

Warbixin kasoo baxday golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa lagu sheegay in si kulul loo cambaaraynayo tilaabada dawladahaan ay caruurta yar yar ku askareeyaan.

Goluhu waxaa uu talo ahaan usoo jeediyay in la qaado tilaabooyin lagu joojinayo in caruur yar yar la hubeeyo oo dagaal loo adeegsado.

Soomaaliya dhawr jeer ayay sidaan oo kale safka hore ka gashay wadamada caruurta u adeegaada dagaalada ayadoona dawlada Soomaaliya ay ka mid tahay dawladaha saxeexay heshiiska lagu dhawrayo xaquuqda caruurta.

Somalilandpost.news

Hargeysa/Somaliland

- Advertisement -

Latest News

Peter Harris: Somaliland Is the Strategic Ally Trump Needs Now

Peter Harris, writing in the Washington Examiner, argues that Somaliland could be a strategic ally for President Donald Trump as debate over US recognition continues.
- Advertisement -

More Articles Like This