HomeSomali NewsEthiopiaMilatariga Ethiopia oo si Rasmi ugu Biiray Hawl-gallada Xooggaga AMISOM ee Somalia

Milatariga Ethiopia oo si Rasmi ugu Biiray Hawl-gallada Xooggaga AMISOM ee Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Milatariga Dawladda Itoobiya, ayaa si rasmi ah maanta ugu biiray Hawl-gallada ay Ciidamada AMISOM ka wadaag Gudaha dalkaasi Soomaaliya.

War kasoo baxay shalay wasaaradda Gaashaandhiga Ethiopia, ayaa lagu sheegay in ay ciidamada Ethiopia si rasmi ah ugu biireen howlgalka ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Sida ay maanta qoreen warbaahinta dalka Ethiopia oo soo xiganaya war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaan-dhigga dalkaas,  ciidamada xukuumadda Addis-Ababa ayaa maanta ka mid noqday  ciidamada AMISOM ee Soomaaliya kula dagaalama Xarakadda Al-Shabab.

Waxa warkan lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay la shaqeyn doonaan ciidamada Uganda iyo Burundi ee ka hawlgalaya gobolada Shabeelooyinka iyo Baay, halkaas oo ay ka wadaan hawl-gallo milatari ay dagaal ku jiraan xoogagga Kooxda Al-Shabaab oo awood ku leh gobolladaas.

“Ciidamadayadu maanta wixii ka dambeeya waxay ku shaqaynayaan sharciyadda ciidamada AMISOM oo ay maanta  si rasmi ah ugu biireen,” sidaas waxa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dawladda Itoobiya oo lagu baahiyey warbaahinta Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya, ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaadhayso 2,000 Askari oo si hordhac ah ugu biiraya xoogagga nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

War-murtiyeedka ka soo baxay waxa sidoo kale lagu sheegay in dawladda Itoobiya ay xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab isla markaana ay xaduudaheeda adkaysan doonto.

Ciidamada Itoobiya oo gobollada Soomaaliya qaarkood in muddo ah ku sugnaa iyaga oo aan ka tirsanayn howlka AMISOM, ayaa waxa soo dhaweeyay Ururka Midawga Afrika xafiiska arrimaha Soomaaliya u qaabilsan.

Howlgalka AMISOM oo Soomaaliya ka bilowday sanadkii 2007, ayaa hadda waxa ku jira ciidamada lix wadan oo Afrikaan ah, kuwaas oo kala Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti, Nigeria iyo Itoobiya, waxaanay dawladda Soomaaliya ee taagta daran ku gacan siiya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabab.

SOMALILANDPOST.NEWS

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories