HomeMadaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Safar ugu Baxay Dalka Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Safar ugu Baxay Dalka Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti miisaan leh oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu anba-baxay dalka Maraykanka.

Safarka madaxweynaha ayaa ka dambeeyey kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Maraykanka oo dhammaadka sannadkii hore wefti ka socda aqalka Congress-ka u soo dirtay Somaliland.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Goor-dhawayd ka duullay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxa ku wehelinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo Ganacsato waaweyn oo magac ku leh Somaliland.

Xubnaha Weftiga Madaxweynaha ee ka socda Xukuumadda, waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo
Wasiirka Degaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Xubnaha Ganacsatada ee xubnaha ka ah weftiga, ayaa kala ah Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group Maxamed Siciid Ducaale, Guddoomiyaha shirkadaha Somcable iyo MSG Maxamed Siciid Geeddi, Guddoomiyaha shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Cabdikariim Maxamad Iid iyo Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah Guddiga Sare ee Shirkadda Telesom.

Bulshada Rayidka ah waxa Weftiga Madaxweynaha Somaliland kaga jira Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka, waxanau 14-ka bishan khudbad ku saabsan xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland ka jeedin doonaa Golaha Heritage Foundation.

Socdaalka madaxweynaha ayaa daba-socda safar ay bishii December ee sannadkii hore dalka ku yimaaddeen wefti ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka, kuwaas oo Madaxweynuhu kulan kula qaatay Hargeysa.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories