Boorama (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Dr. Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa shacabka gobolka Awdal uga digay waxa uu ku tilmaamay “duullaanno ka dhan ah qaranimada Somaliland,” isagoo sheegay in qaar ka mid ah shaqsiyaad muwaadiniin ahi ay taageerayaan tallaabooyin uu ku eedeeyay inay u adeegayaan cadowga Somaliland.
Wasiirka oo maanta ka qaybgalay xafladda qalin-jebinta ardayda ka baxday Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, ayaa bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, ugu baaqay inay kaalin ka qaataan ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.
Dr. Saajin ayaa dhalinyarada ku boorriyey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhowrista nabadda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada Awdal ay meel uga soo wada jeedsato wax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida Somaliland.
Hadallada Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli doodaha ku saabsan amniga, midnimada bulshada iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka Awdal ay si weyn uga dhex muuqdaan hadallada mas’uuliyiinta iyo bulshada.

