HomeSomali NewsSomalilandGuddiga Fulinta SOLJA oo Baafinaya Guddoomiyihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland

Guddiga Fulinta SOLJA oo Baafinaya Guddoomiyihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-  Guddiga Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta shir ku yeeshay Xarunta Ururka ee magaalada Hargeysa, waxaanay sheegeen inay ka arrinsanayeen hawlaha u yaal iyo diyaarinta Shirweynaha SOLJA oo ku beegan dhammaadka bisha December 2023-ka, balse waxay Nasiib-darro ku tilmaameen in Guddoomiyaha Ururku diiday inuu Guddiga la fadhiisto.

Xubnaha Guddiga Ururka SOLJA ee maanta fadhiistay oo ahaa 9 Xubnood ka tirsan 15 ka Xubnood ee Guddiga Ururka, waxa markii kulanka ay ka soo baxeen Warbaahintu wax ka waydiisay waxa uu ku saabsanaa kulankoodan aan Guddoomiyaha SOLJA ka dhexmuuqan, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Ururka Sakariye Axmed Muxumed diiday inuu yimaaddo kulanka ay Guddigu codsatay.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Shuruucda Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo Warbaahintu wax ka waydiisay ujeeddada kulankooda, ayaa sheegay inuu kulankooda maanta hor dhac u yahay kulammo kale oo u socon doona Hoggaanka SOLJA oo ay kaga tashanayaan qaabka Shirweynaha loo qabanayo, iyadoo la raacayo Sharciga SOLJA u degsan.
Cfataax Mursal, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in Guddoomiyuhu iman waayey kulanka Guddiga, balse ay rejaynayaan inuu iman doono kulammada dambe. Waxaanu intaa ku daray inay jiraan dhalliilo badan oo Ururka dul hoganaya, kuwaas oo ay sabab u tahay talogoosi uu ku kacay Guddoomiye Sakariye, sidaa awgeedna ay ka badbaadinayaan Guddoomiyuhu inuu Shirweynaha SOLJA la ambado.

Sidoo kale, Maxamed Faarax Coomaadde oo ka mid ah Xubnaha Guddiga SOLJA ee maanta kulmay, ayaa sheegay in isaga Guddigu u direen Guddoomiyaha, isla markaana uu soo diiday kulanka inuu qabto amma Guddiga la fadhiisto. Sidaas awgeedna ay Guddigu ku dhaqmi doonaan Xeerarka iyo Shuruucda SOLJA haddii Guddoomiyuhu iman waayo shirarka Guddiga.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories