Guddiga Fulinta SOLJA oo Baafinaya Guddoomiyihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)-  Guddiga Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta shir ku yeeshay Xarunta Ururka ee magaalada Hargeysa, waxaanay sheegeen inay ka arrinsanayeen hawlaha u yaal iyo diyaarinta Shirweynaha SOLJA oo ku beegan dhammaadka bisha December 2023-ka, balse waxay Nasiib-darro ku tilmaameen in Guddoomiyaha Ururku diiday inuu Guddiga la fadhiisto.

Xubnaha Guddiga Ururka SOLJA ee maanta fadhiistay oo ahaa 9 Xubnood ka tirsan 15 ka Xubnood ee Guddiga Ururka, waxa markii kulanka ay ka soo baxeen Warbaahintu wax ka waydiisay waxa uu ku saabsanaa kulankoodan aan Guddoomiyaha SOLJA ka dhexmuuqan, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Ururka Sakariye Axmed Muxumed diiday inuu yimaaddo kulanka ay Guddigu codsatay.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Shuruucda Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo Warbaahintu wax ka waydiisay ujeeddada kulankooda, ayaa sheegay inuu kulankooda maanta hor dhac u yahay kulammo kale oo u socon doona Hoggaanka SOLJA oo ay kaga tashanayaan qaabka Shirweynaha loo qabanayo, iyadoo la raacayo Sharciga SOLJA u degsan.
Cfataax Mursal, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in Guddoomiyuhu iman waayey kulanka Guddiga, balse ay rejaynayaan inuu iman doono kulammada dambe. Waxaanu intaa ku daray inay jiraan dhalliilo badan oo Ururka dul hoganaya, kuwaas oo ay sabab u tahay talogoosi uu ku kacay Guddoomiye Sakariye, sidaa awgeedna ay ka badbaadinayaan Guddoomiyuhu inuu Shirweynaha SOLJA la ambado.

Sidoo kale, Maxamed Faarax Coomaadde oo ka mid ah Xubnaha Guddiga SOLJA ee maanta kulmay, ayaa sheegay in isaga Guddigu u direen Guddoomiyaha, isla markaana uu soo diiday kulanka inuu qabto amma Guddiga la fadhiisto. Sidaas awgeedna ay Guddigu ku dhaqmi doonaan Xeerarka iyo Shuruucda SOLJA haddii Guddoomiyuhu iman waayo shirarka Guddiga.

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This