HomeSomali NewsSomalilandGuddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u xidhay xubno ka tirsan Garsoorka Gobolka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u xidhay xubno ka tirsan Garsoorka Gobolka Maroodijeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta tababar u soo xidhay 35 xubnood oo iskugu jiray Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal, Kaaliyayaal iyo Qareenno ka tirsan Garsoorka Gobolka Maroodi-jeex, sidoo kalana guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya cilmigii ay faa’iidaysteen.

Tababarkan oo socday shanti cisho ee u danbeeyay ayaa diirada lagu saarayay axkaamta muhiimka ah ee shareecadda Islaamka iyo habraacyada xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta, waxaana qayb ka ahayd fallan-qayn sharci oo salka ku haysa go’aan ka gaadhida xukunnada.

Munaasibadda xidhitaanka tababarka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa ku wehelinayay madaxa waaxda Tababarada Ayaan Maxamed Ibraahim, Lataliyaha dhanka Shareecadda ee Maxkamadda Sare Sheekh Ciise Maxamuud iyo Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo iyagu kamid ahaa khuburadii tababarka bixinaysay.

Ugu horayn Garsoore Cabdiraxmaan iyo Dr/Sh. Ciise ayaa xubnaha tababarka ka qayb qaatay kula dardaarmay in ay joogteeyaan waxbarashada, maadaama geediga waxbarasho aanu dhammaan, isla markaana muhiim u yahay koboca aqooneed ee qofku u baahan yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababarka soo xidhay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay aqoon-is-waydaarsiga iyo tababarada joogtada ahi, waxaanu hoosta ka xarriiqay in Garsooraha iyo guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorka ay waajib ku tahay in mar kasta ay kor-u-qaadaan aqoontooda sharci. Guddoomiyaha ayaa garsoorayaasha ku booriyay in aanay ka daalin sare u qaadida cilmiga kana faa’iidaystaan wakhtiyada firaaqada ah ee u soo hadha.

Geesta kale, guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorka sida ay uga faa’iidaystaan barnaamijka lagu kobcinayo aqoonta hawl-wadeennada Garsoorka, kaasi oo jaamacadaha iyo hay’adda Garsoorka ka dhexeeya. Guddoomiyaha ayaa xusay in udub-dhexaadka cilmigu yahay baadhida iyo joogteynta akhriska, waxaanu tibaaxay in waayadii u danbeeyay awoodda la saaray tababarada la xidhiidha Shareecadda iyo culuumta kale ee sharciga, si loo balaadhiyo fahamka iyo fikirka Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha, qareennada iyo hawl-wadeennada kale.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedada iyo ubucda tababaradani yihiin baraarujin, si hawl-wadeennadu u sii amba-qaadaan bad-waynta cilmi ee Masaajida “xala-qaadka” iyo xarumaha waxbarashada ka socota, waxaanu xusay in ay ka go’an tahay balaadhinta tababarada gaagaaban, maadaama ay xambaarsan yihiin culuum balaadhan, wakhiguna kooban yahay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories