HomeSomali NewsSomalilandMadaxweynaha Somaliland Oo Xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Madaxweynaha Somaliland Oo Xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku-beddel, xil-ka-qaadis iyo magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, gaar ahaan qaar ka mid ah Wasiirrada ugu tunka culus Xukuumadda.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

Madaxweynuhu waxa uu wareegtooyinka uu maanta soo saaray isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey masuuliyiintan: Axmed Yuusuf Idiris Cawaale waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Axmed Aadan Axmed Buuxane oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye Cige oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada, waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga, Cali Xasan Maxamed Jaamac oo ahaa wasiirkii kheyraadka Biyaha waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud oo Ahaa Wasiirkii Arrimaha Dastuurka, waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, Afhayeenkii xisbiga Kulmiye, waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud oo ahaa Wasiirkii horumarinta Reer Miyiga, waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.

Saleebaan Cawad Cali Bukhaari waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka halka ugu dambeyn Axmed Maxamed Habbane oo hore u soo noqday maamulaha kastamka Berbera loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories