HomeSomali NewsSomalilandXusuusta Xasuuqii Xeebta Jazeera iyo Xog-warranka Ninka Keliya Ee Ka Badbaaday

Xusuusta Xasuuqii Xeebta Jazeera iyo Xog-warranka Ninka Keliya Ee Ka Badbaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

37 sano ka hor oo ku beegan 17-kii July 1989, waxaa xeebta Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ka dhacay xasuuq lagu dilay Alle ha u naxariistee 56 qof oo shacab ah. Dadka la laayay waxay isugu jireen arday, Aqoonyahanno, ganacsato iyo shaqaale dowladeed.

Dhacdadan murugada leh ayaa weli ku suntan xusuusta bulshada Somaliland, iyadoo loo xasuusto mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xanuunka badnaa ee xilligaas dhacay.

Xasuuqaas waxaa ka warramaya Cumar Muuse Mire, oo ahaa ninkii keliya ee ka badbaaday. Sida uu ku sheegay markhaatigiisa, dadka la dilay dhammaantood waxay ka soo jeedeen Somaliland, waxayna u badnaayeen dhalinyaro iyo aqoonyahanno.

Ciidamo ka tirsanaa dowladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, ayaa xilli habeenimo ah qaybo magaalada Muqdisho ah ka afduubay 55 marxuum loo beegsaday isirkooda iyo halka ay asal ahaan ka soo jeedeen. Xog-warrankan ayuu si faahfaahsan uga sheekeynayaa wixii uu indhihiisa ku arkay habeenkaas iyo sida uu uga badbaaday xasuuqaas.

Xuska sannad-guurada dhacdadan ayaa dib u soo noolaynaya xanuunka qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayay xeebta Jasiira (Jazeera Beach) iyagoo weli xasuusan raadkii ay dhacdadani ku reebtay noloshooda.

Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku naf waayay xasuuqaas, samir iyo iimaanna ha ka siiyo ehelladooda iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

XOG-WARRANKA CUMAR MUUSE MIRE KA DAAWO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories