HomeArrimaha BulshadaHaweenkaGolaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2025

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2025

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada ee Somaliland, ayaa dood iyo falan-qeyn kaddib lagu ansixiyey odoroska miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2025-ka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ajandihiisu ku koobnaa doodda, falan-qeynta iyo ansixinta Odoroska Miisaaniyadda Dowladda oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Miisaaniyadda Hay’addaha Madaxa-bannaan, Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo Mashaariicda Qaadhaan Bixiyeyaasha.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayenka madaxtooyada Xuseen Deyr, madaxweyne Cirro ayaa faray masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda inay Wasaaradda Maaliyada gacan ka siiyaan Ururinta Cashuuraha iyo Kobcinta dakhliga Dalka.

Waxa kale oo war-saxaafadeed lagu sheegay in madaxweynuhu ku war-geliyey hay’ad kasta oo ka mid ah Hay’adaha qaabilsan Dakhli-qabashada ay si toosa Dakhliga ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo ay goob-joog ka ahaayeen 43 Xubnood, ayaa cod gacan-taag ah ku meel-mariyey Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka oo Goluhu u gudbin doono Golaha Wakiillada Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories