Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Dalalka Ethiopia iyo Maraykanka

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo maanta kulan la qaatay Shir-guddoonka iyo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay siyaasadiisa ku wejahan Xidhiidhada dublomaasiyeed ee Somaliland la leedahay Caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu hadlay Xidhiidhka soo-jireenka ee ka dhexeeyo Somaliland iyo Ethiopia oo sii-anba-qaadkiisa uu ballan-qaaday, haseyeeshee waxa uu gebi ahaanba ka gaabsaday mowqifka xukuumaddiisu ka qaaddanayso heshiiskii is-faham ee hore u dhexmaray labada waddan.

“Waxa aan xusayaa Itoobiya oo ah saaxiib soo-jireen ah, iyo jaal aynnaan uga marmayn horumarka dhaqaalaha, adkaynta amniga, xasiloonideenna bulsho, iyo xidhiidhkeenna Afrika. Waajib bay nagu tahay in aannu xidhiidhkaas sii wanaajinno, faa’iidada uu u leeyahay labadeenna Qaranna aanu halka ugu sarraysa gaadhsiinno,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweyne Cirro waxa uu bogaadiyey dedaallada ay xildhibaannada Congress-ka Maraykanku ugu jiraan Aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxa aan isagana xusayaa xidhiidhkeenna Maraykanka oo ku jira dalalka sida gaarka ah inoo daneeya. Waxa aan bogaadinaynaa xildhibaanada reer Maraykan iyo Guddidada Arrimaha dibadda baarlamaanka ee ku baaqaya in Maraykanku uu xafiis diblumaasiyadeed ka furto Somaliland.”

Waxa uu intaas ku daray, “Waxa aannu mari doonnaa dariiq kasta oo aannu ku sii xoojinayno xidhiidhkaas. Xidhiidho fiican ayaa noo socda dawlado badan oo kale, waxaanan rajaynayaa in midho wax ku ool ahi ka soo baxaan,” ayuu yidhi madaxweyne Cirro.

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This