HomeSomali NewsMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Dalalka Ethiopia iyo Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Dalalka Ethiopia iyo Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo maanta kulan la qaatay Shir-guddoonka iyo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay siyaasadiisa ku wejahan Xidhiidhada dublomaasiyeed ee Somaliland la leedahay Caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu hadlay Xidhiidhka soo-jireenka ee ka dhexeeyo Somaliland iyo Ethiopia oo sii-anba-qaadkiisa uu ballan-qaaday, haseyeeshee waxa uu gebi ahaanba ka gaabsaday mowqifka xukuumaddiisu ka qaaddanayso heshiiskii is-faham ee hore u dhexmaray labada waddan.

“Waxa aan xusayaa Itoobiya oo ah saaxiib soo-jireen ah, iyo jaal aynnaan uga marmayn horumarka dhaqaalaha, adkaynta amniga, xasiloonideenna bulsho, iyo xidhiidhkeenna Afrika. Waajib bay nagu tahay in aannu xidhiidhkaas sii wanaajinno, faa’iidada uu u leeyahay labadeenna Qaranna aanu halka ugu sarraysa gaadhsiinno,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweyne Cirro waxa uu bogaadiyey dedaallada ay xildhibaannada Congress-ka Maraykanku ugu jiraan Aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxa aan isagana xusayaa xidhiidhkeenna Maraykanka oo ku jira dalalka sida gaarka ah inoo daneeya. Waxa aan bogaadinaynaa xildhibaanada reer Maraykan iyo Guddidada Arrimaha dibadda baarlamaanka ee ku baaqaya in Maraykanku uu xafiis diblumaasiyadeed ka furto Somaliland.”

Waxa uu intaas ku daray, “Waxa aannu mari doonnaa dariiq kasta oo aannu ku sii xoojinayno xidhiidhkaas. Xidhiidho fiican ayaa noo socda dawlado badan oo kale, waxaanan rajaynayaa in midho wax ku ool ahi ka soo baxaan,” ayuu yidhi madaxweyne Cirro.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories