HomeSomali NewsSomalilandMadaxweyne Daahir Rayaale Oo Xilka Ka Qaaday Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii Ganacsiga...

Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Xilka Ka Qaaday Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii Ganacsiga iyo Wershadaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasiirkii Ganacsiga iyo Wershadaha Xukuumadda Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shalay laga qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

War-saxaafadeed Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mr. Cabdi Idiris Ducaale uu soo saaray shalay ayaa waxa lagu sheegay in Eng. Maxamed Xaashi uu Madaxweyne Rayaale xilka kaga xayuubiyay Xeer Madaxweyne NO 019/2004 oo uu shalay soo saaray.

War-saxaafadeedku waxa uu xusay sababta Xilka qaadista wasiirku in ay sababtay isaga oo kala afkaar iyo aragti noqon wayaay Golaha Wasiirada intooda kale.

“Markii in badan ay kaa muuqatay in aad ka talo duwan tahay Golaha intiisa kale waxa aan gartay in aan kaala noqdo xilkii aad Qaranka u haysay laga bilaabo maanta (shalay)” sidaa waxa yidhi Madaxweyne Rayaale, oo qoraalka xil ka qaadista wasiirka ganacsiga ugu faah-faahiyay sababta uu xilka kaga qaaday.

Madaxweynuhu uma magacaabin wasiir cusub jagada uu baneeyay wasiirka uu xilka ka qaaday ee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. Waxes uu amray in uu xilka ku wareejiyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

“Waxaana xilka wasiirnio intaan cid hanan karta u soo magacaabayo ku wareejin doontaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Madaxweyne Rayaale.

Faah-faahin dheeraad ah Xukuumaddu kamay bixin sababta xil ka qaadista Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha oo ka mid ahaa Wasiiradda ugu miisaanka culus Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa isaguna dhiniica ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababaha xil ka qaadista, “Arrintaa ma doonayo in aan ka hadlo inta ka horraysa maalinta aan xilka wareejinayo, markaas ayaan ka hadli doonaa inta ka horraysa ma jecli in aan ka hadlo” ayuu yidhi, Eng. Maxamuud Xaashi oo isaga oo jooga gurigiisa Jamhuuriya xalay telefoon ugu sheegay, in aanu tibaax ka bixinayn xilka qaadistiisa haseyeeshee sida ay xaqiijiyeen xogo ka soo baxay Ilo ku dhow-dhow golaha wasiiradda ayaa tibaaxay in khilaaf iyo ismaan-dhaaf muddo soo jiitamayay oo la xidhiidha Siyaasadda qorshe-hawleedka Xukuumadda uu u dhaxeeyay Madaxweyne Rayaale iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxase ay xoguhu xaqiijiyeen in xilka Qaadistan Eng. Maxamed Xaashi ay soo dedejisay Is-maan-dhaaf markii Wasiirka iyo Madaxweynuhu isku aragti ka noqon waayeen Miisaaniyad sannadeedka cusub ee dawladda ee 2004 oo shalay lagu ansixiyay shirkii Golaha Wasiiradda, taas oo la hordhigay khamiistii toddobaadkii hore. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa la sheegay in uu ka horyimid meelmarinta Miisaaniyadda cusub isaga oo tilmaamay in aanay ahayn Miisaaniyad ka tarjumaysa xaqiiqda dhaqaale ee dalka, iyada oo la sheegay in uu Miisaaniyadan ku tilmaamay mid laga soo min guuriyay Miisaaniaydd sannadeedkii kal hore ee 2003, si xad dhaaf ahna loo kordhiyay. Sida la sheegay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu Golaha u soo jeediyay in Miisaaniyadan aan la ansixin ee ay u baahan tahay ka baaraan deg, isaga oo isla markaana sheegay in xisaab-xidhkii 2002/2003 aan la horkeenin Golaha, balse golaha la horkeenay oo keliya Qorshaha Miisaaniyadda ku tallogalka ah.

Arrimaha kale ee Eng. Xaashi iyo Golaha Xukuumaddu ay isku maandhaafeen waxa la sheegay in ay ka mid ahaayeen dakhliga Kastamka iyo Cashuuraha Barriga, ee ku jira Miisaaniaydda ku tallogalka ah ee Cusub.

Waxa kale oo la sheegay in isfaham la’aanta Madaxweynaha iyo Wasiirka sii kordhiyay arrinta shirkadda TOTAL oo qandaraas ku haysata Maamulka Haamaha Kaydka Dhexe ee Shidaalka dalka ee Berbera, oo uu Eng. Maxamed Xaashi uu diidanaa qaabka ay ku shaqayso TOTAL iyo weliba qaabkii heshiiskii Qandaraaska lagu siiyay, arrimahaas oo sababay shidaal yaridii bishii hore dalka ka dhacday, ayaa Eng. Maxamed Xaashi waxa uu Madaxweyne Rayaale u gudbiyay tallooyin uu ka soo jeediyey Xaalka Shidaalka iyo Shirkadda TOTAL.

Inkasta oo badheedhaha Maxamed Xaashi ka dhiibtay arrinta TOTAL aanu Madaxweyne Rayaale ku qancin haddana Madaxweynuhu dhaliilo kulul ayuu u jeediyay TOTAL, markii shidaal yaraantu ku habsatay Somaliland bishii la soo dhaafay.

Xigasho: Jamhuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories