HomeSomali NewsSomalilandDugsiyada Sare ee NURADIN oo Lix Kaalmood ka Qaatay Imtixaanka Shahaadiga ah...

Dugsiyada Sare ee NURADIN oo Lix Kaalmood ka Qaatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka oo natiijadiisa la shaaciyey (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dugsiyada Sare ee NUURADIIN, ayaa ku guulaystay Lix kaalmood oo ka mid ah Kaalmaha ugu sareeya ee Dugsiyada Sare ee Dalka, iyada oo laba laba ka mid ah ay yihiin Wiilal, halka Afarta kale oo hablo ahina ka mid noqdeen tobankii ugu sareeyey.

Munaasibad shalay gelinkii dambe lagu qabtay Dugsiga Sare ee Hablaha ee dugsiyga Nuuradiin oo ay qayb-galeen maamulka dugsiga, arday iyo waalidiinta, ayaa lagu shaaciyey kaalmaha dugsigu ka galay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sare oo shalay gelinkii hore ay wasaraddu waxbarashadu ku dhawaaqday.

Dugsiyada Sare ee Nuuradiin, waxa Imtixaanka u fadhiistay 395 Arday, kuwaas oo 116 ka mid ah ku baaseen Derejada (A), iyada oo 249 ka tirsani ku gudbeen derejada (B) halka 30 Arday oo kali ahi natiijadii imtixaanka ka keensadeen Derejada (C). Kuwaas oo marka laysku cel-celiyo tirada guud ah boqolkiiba ka noqonaysa in 30% ay ku keensadeen Derejada ‘A’, boqolkiiba 63-na ay ku gudbeen derejada ‘B’ halka 7% oo kali ahi derejada ‘C’ ku gudbeen, sida uu sheegay maamulka Dugsiyada Sare ee Nuuradiin oo sharraxaad ka bixinayey Guusha Sannadkan NUURADIIN uga soo hoyatay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare, iyada oo Tobanka Arday ee ugu sarreeyey dalka oo dhan Dugsiyada Sare ee Nuradin ay ku lahaayeen laba kaalmood.

Maamulka Dugsiyada Sare ee Nuuradin  Ismaaciil Maxamuud Cakuushoo sharraxayey kaalmaha ay ardaydoodu ka galeen Imtixaanka, ayaa yidhi, “Waxaa xusid mudan in aan dugsiyada sare ee Nuuradiin aanay waxba ka dhicin ama wax darada D keenay aanay ku jirin.

Kaalmaha ugu sareeya ee Wadanka oo dhan wiilal iyo Gabdhaba Dugsiyada Sare ee Nuuradiin waxay ku guulaysteen lix kamid ah, Habluhu waxay ku guulaysteen afar 4 ka mid ah kaalmaha Sare ee dhamaan Dugsiyada sare ee Somalialnd waxaanay kal yihiin Sidan:

Samiira Maxamed Ismaaciil Muxumed waxay keentay 702 waxayna gashay Kaalinta Labaad, Nafiisa Abdixamiid Maxamed Cali waxay keentay 699 waxayna gashay Kaalinta Seddexaad ee Hablaha, Xamda Baashe Cabdi Ismaaciil waxay keentay 681 waxayna Gashay kaalinta 4aad, Warda Cabdilaahi Cali Muuse waxayna keentay 667 waxayna gashay kaalinta lixaad.

Dhinaca kale Tobanka Arday ee ugu sareeyey Wadanka oo dhan waxay Dugsiyada Nuuradiin ka galeen laba Kaalmood oo kala ah Ridwaan Cabdi Daahir Suldaan waxa uu keenay 715 waxaanu galay Kaalinta Labaad, Xamse Aadan Warsame Xirsi waxa uu keenay704 waxaanu galay Kaalinta Sideedaad.

Sidaasi Dardeen waxay Wiilashu ku guulaysteen laba Kaalmood oo ka mid ah kaalmaha ugu sareeya waxayna kala yihiin kaalinta Sedexaad iyo Kaalinta sideedaad.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Isbarbar dhiga Dugsiyada Sare ee Nuuradiin iyo Dugsiyada Dalka, Darajada A Gobolka Maroodi Jeex oo dhan marka laysku daro waxa keenay 241 arday 101 ka mid ah ayaa Nuuradiin ahaa taasoo ah 42%. Wadan oo ah Darajada A waxa keenay 564 arday, halka Dugsiga Nuuradiin ay Darajada A ka keeneen 116 waxayna ka noqonaysaa 22% wadan ka oo dhan waxay ka noqonaysaa 78%.

Mudo Lixsano ah oo kasoo bilaabanta 2008 ilaa maanta waxay kaalmo mugle ku lahaayeen Kaalmaha Sare ee Wadanka Oo dhan,” Sidaas ayuu yidhi Maamulaha dugsiyada Sare ee Nuuradiin  Ismaaciil Maxamuud Cakuush.

Si kasta ha haatee, Qaabka loo shaaciyey natiijada Imtixaannaadka Dugsiyada dalka, ayaa sannadkan ka duwan sannaddadii hore iyada oo la kala saarey natiijada imtixaannaadka dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah oo sannadihii hore aan kala soocnaan jirin.

Dugsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa tobankii ugu sarreeyey fasalladooda siddeedaad si gaar ah loo soo dhejiyey, iyada oo kuwa dawliga ahna si tobanka arday ee ugu sarreeyey dugsiyada Dhexe/Sare si gaar loo shaaciyey.

SOMALILANDPOST.NEWS

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories