HomeSomali NewsAbwaan Yuusuf Shaacir oo Abaalmarin Lagu Guddoonsiiyey Nairobi

Abwaan Yuusuf Shaacir oo Abaalmarin Lagu Guddoonsiiyey Nairobi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

NAIROBI (SLpost) — Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf Shaacir), oo ka mid ah haldoorka suugaanta Somaliland, isla markaana muddo dheer ka shaqaynayey kaydinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, ayaa abaalmarin lagu guddoonsiiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Munaasibadda lagu maamuusay abwaanka ayaa lagu qabtay Hotel Panafric ee Nairobi, waxaana si wadajir ah u soo qabanqaabiyey hay’adaha IIDA, MRG iyo Midowga Yurub. Munaasibadda ayaa lagu daahfurayey warbixin sannadeed laga diyaariyey xaaladda iyo waayaha bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Soomaalida.

Waxaa munaasibadda ka qaybgalay wakiillo ka socday hay’ado caalami ah iyo marti sharaf kale, oo ay ka mid ahaayeen Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso.

Abwaan Yuusuf Shaacir oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii lagu martiqaaday munaasibadda ayaa halkaas ka jeediyey gabay uu hore u tiriyey oo la yidhaahdo “Dulmanaha La Quudhsaday”, kaas oo uu kaga hadlay xaaladda bulshada laga tirada badan yahay iyo meeqaamka ay ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Gabayga ayaa loo tarjumay luuqadda Ingiriisiga, waxaana nuqullo ka mid ah loo qaybiyey dadkii ka qaybgalay munaasibadda, si ay uga bogtaan farriinta uu xambaarsan yahay.

Dhammaadkii munaasibadda, Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa lagu guddoonsiiyey abaalmarin ay ku xardhanaayeen astaamaha Midowga Yurub iyo hay’adaha IIDA iyo MRG. Abaalmarinta ayaa lagu maamuusay kaalinta uu suugaantiisa kaga qaatay u-doodista iyo difaaca xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Munaasibadda waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada Laga Tirada Badan Yahay, Barkhad Jaamac Xirsi, oo lagu martiqaaday madasha.

Barkhad Jaamac Xirsi ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay abaalmarinta la guddoonsiiyey abwaanka, isaga oo sidoo kale ka markhaati kacay doorka Yuusuf Shaacir uu ka qaatay u-doodista dadka la hayb-sooco iyo gudbinta fariimaha bulshada iyada oo loo marayo suugaanta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories