HomeSomali NewsSomaliaMadaxweynaha Soomaaliya oo xaalad deg-deg ah iyo amarro ka soo saaray goobaha...

Madaxweynaha Soomaaliya oo xaalad deg-deg ah iyo amarro ka soo saaray goobaha ay ka qaxday Al-shabaab iyo Xeryaha Barakacayaasha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLpost)- Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa xaalad deg-deg ah ka soo saaray goobaha ay Malleeshiyada Al-Shabaab ka qaxday iyo Xeryaha Barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu ku sheegay in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay goobihii ay ka baxday  Kooxda Al-shabaab iyo xeryaha barakacayaasha si loo sugo nabadgalyadooda. Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Sheekh Shariif oo ahaa xeerar qodobbaysan ayaa lagu xusay in goobihii ay ka baxday Kooxda Al-shabaab aan la geyn karin ciidammo beeleed, sidoo kalena aan la geyn karin ciidammo beeleed xeryaha ay ku jiraan barkacayaashu ee Muqdisho.

“Fal dambiyeedyada ka dhaca goobihii ay ka baxday Kooxda Al-shabaab iyo xeryaha Barakacayaasha waxaa qaadidda dacwooyinkooda awood u leh Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee DKMG ah,” ayaa lagu yidhi xeerarka uu soo saaray Madaxweyne Sheekh Shariif.

Qodobbada xeerarkaas ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ay awood u leedahay inay dhaqangeliso xeerka ciqaabta waqtiga dagaalka. “Sida uu qabo qodobka saddexaad ee xeer-nidaamiyaha nabadgalyada guud Lr. 21 ee soo baxay 16-kii August 1963-kii, waxay dowladdu qaadaysaa tallaabo kasta oo lagu sugayo nabadgalyada iyo anshaxa guud ee goobihii ay ka baxday Al-shabaab iyo xerooyinka barakacayaasha,” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xeerkan ayaa la sheegay inaanu quseyn goobihii ay uga jirtay nabadda, balse haddii ay soo gaadho nabad-darro inta lagu jiro muddada uu tilmaamayo isla xeerkan waxaa si toos ah uga dhaqangalaya xeerkan.

Ugu dambeyn qodobbada xeerkan oo ahaa sideed qodob ayaa waxaa lagu soo xidhay in xeerkani uu soconayo muddo saddex bilood ah si looga gudbo marxaladda adag ee uu dalka ku jiro, wuxuuna dhaqangalayaa laga billaabo maalinta uu ansixiyo Madaxweynaha Soomaaliya, laguna soo daabaco fariinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories