HomeSomali NewsSomalilandImtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe/Sare oo maanta Si Rasmi ah uga...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe/Sare oo maanta Si Rasmi ah uga bilaabmay gobollada iyo Degmooyinka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare iyo fasaladda Siddeedad ee Dugsiyada Dhexe, ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Imtixaanka shahaadiga oo ay u fadhiistan ku dhawaad 20,000 (labaatan Kun) oo arday ayaa maanta jewi deggenaansho ah uga bilaabmay dhammaan gobollada Somaliland, waxaana korkeerka iyo hawsha imtixaanka ka qayb-qaadanayey saraakiil ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee Heer Qaran/gobol iyo ciidamada ammaanka.

Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo wefti ay hoggaanayso oo kormeer ku maray goobaha lagu galay imtixaanka Shahaadiga ah ee fasaladda 4-aad iyo fasaladda 8-aad ee magaalada Haregysa, ayaa tafaasil ka bixiyey qaabka imtixaanku u bilaabmay.

“Maanta oo bishu 15 tahay, imtaaxaanaadka shahaadiga ahaa si wanaagsan oo nabadgelyo ah oo ayey waqtigii loogu talo-galay oo  saacaddu ahayd Sideeddii ayey wada bilaabmeen Sanaag-bari, Sool, Saylac, Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex, meel xuduudda Somaliland ku jirta oo aanu imtixaanku ka dhicin ma jirto.”

Sidoo kale Guddoomiyaha waxbarashad gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid ayaa ka warbixiyey tirada ardayda u fadhiistay imtixaanadka iyo goobaha kala duwan ee ardayda imtixaanka lagaga qaadayo oo dhan 33 goobood, halka tiradda dugsiyadda sare ay u fadhiisteen kun iyo konton arday, halka dugsiyadda hoosan ay u fadhiisteen kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo lixdan.

Gobolka Awdal ayaa arday gaadhaysa 2,839 arday oo isugu jira fasallada Afraad iyo Siddeedaad, ayaa u fadhiistay imtixaanadka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2012-2013. Halka gobolka Sanaag ay u fadhiisteen imitixaanka shahaadiga ah Arday tiradooda lagu sheegay 1,542 arday kuwaas oo isugu jira fasallada afraad iyo Siddeedaad.

SOMALILANDPOST.NEWS

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories