HomeUjeeddada Socdaal Shaqo oo Madaxweynaha Somaliland maanta ugu baxay Dalka Maraykanka (DAAWO)

Ujeeddada Socdaal Shaqo oo Madaxweynaha Somaliland maanta ugu baxay Dalka Maraykanka (DAAWO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Wasiirradiisa Arrimaha Debedda iyo Madaxtooyada, ayaa maanta ka amba-baxay garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London iyaga oo ku sii jeeda Caasimadda Maraykanka ee Washington.

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo warbaahinta u warramay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda Maraykanka iyo natiijada ay ka filayaan, isaga oo tilmaamay inay kulamo la qaadan doonaan madaxda ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Wasiirka oo faahfaahinaya ujeeddada socdaalkooda Maraykanka, waxa uu yidhi,  “Waxa Weftigii Madaxweynuhu Hoggaaminayay aanu u baxaynaa safar shaqo oo aanu ku tagayno dalka Maraykanka, gaar ahaan magaaladda Washington.waxaanu halkaasi filaynaa inuu madaxweynuhu kula kulmo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Maraykanka iyo Congress-ka iyo Hay’adaha kale ee xaga horumarka iyo maal-gashiga ee dalka Maraykanka.”

Dr Maxamed Cabdilaahi waxa uu hadalkiisa raaciyey,  “Waxaanu filaynaa in Booqashadaasi ay midho-dhasho oo ay ka mid noqoto guulihii safarkii madaxweynuhu ku soo maray dalalka Turkiga, Imaaraadka carabta iyo Ingiriiskaba inaanu Maraykankana ka sii ambo-qaadno oo arrimo faro badan oo dalka iyo qarankuba u baahan yahay aanu kala hadalno,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo khudbado ka jeedin doonto Goobaha lagu falanqeeyo siyaasadda Caalamka, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo mudada aanu halkaasi joogno rajaynaynaa inuu Madaxweynuhu ka hadlo oo uu khudbad ka jeediyo meel ka mid ah meelaha waaweyn ee magaalada Washington gaar ahaan Hay’adaha aaraada caalamka lagaga hadlo oo arrimaha horumarka iyo arrimaha qaranka horyaala ee u baahan in laga gudbo.”

SOMALIALNDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories