Hargeysa (SLpost) – Aqoonsiga Somaliland ka heshay Israel iyo safiirkii ay Toddobaadkan Israel u soo magacowday Somaliland, ayaa gilgilay dawladaha caalamka ee ka soo horjeeda aqoonsiga qadiyadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Ambassador Michael Lotem oo noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Israel u soo magacowday Somaliland, ka dib markii ay aqoonsatay dabayaqaada sanadkii dhamaaday ee 2025, ayaa ka cadhaysiiyey dawladaha diiddan in Somaliland noqoto dal madax-banaan oo ka mid ah dawladaha qaramada Midoobay ee jaan-gooya siyaasadda dunida.
Magacaabista safiirka Israel Michael Lotem, ayaa dawladaha cusub ee ka cadhooday waxa ka mid ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN, taasi oo dagaal toos ah kula jirta Israel.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, ayaa safiirka Israel u soo magacowday Somaliland ku tilmaantay faragelin iyo xad-gudub lagu hayo madax-bannaanida waxa loogu yeedho “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya..”
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee IRAN Ismaaciil Baqa’i, ayaa tilmaamay in tallaabadan Israel ay muujinayso qorshe uu ku sheegay mid lagu lagu kala fogeynayo waddamada gobolka Geeska Afrika oo uu ula jeedo in Somaliland laga madax-banaanaynayo Soomaaliya oo dhulkeeda sheegata.
Afhayeenka u hadlay wasaaradda Arrimaha dibedda IRAN, ayaa ku dooday in aqoonsiga Somaliland iyo Magacaabista Safiirku ay ka hor imanayo waxa uu ku sheegay shuruucda caalamiga ah iyo sidoo kale mabaadi’da Qaramada Midoobay, isagoo ku tilmaamay xadgudub.
War-saxaafadeedkan, ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhex abuurmaya Somaliland iyo Israa’iil, arrintaasi oo culays badan ku haysa Soomaaliya oo aan lahayn awood aan hadal ahayn iyo xulafadeeda oo tallaabooyinkoodu ku kooban yihiin cambaarayn joogto ah.

Isreal, ayaa oo xoojinaysa xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay yeesheen Somaliland, ayaa Isniintii shalay ka jawaabtay cambaarayn uu Midowga Afrika ugu jeediyey magacaabista safiirka Somaliland, waxayna sheegtay in Midowga Afrika looga baahan yahay inuu ka dhabeeyo qaraarkii uu sanadkii 2005 ku caddeeyay in madax-banaanida Somaliland tahay sharci isla-markaana kiiskeedu ka duwan yahay kuwa dalalka kale ee Afrika.
Hase-yeeshee, hadalka IRAN ayaa imanaya maalin ka dib, markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageertaa ay iyaguna cambaareeyeen safiirka Israel u soo magacowday Somaliland.
Kooxda oo war soo saaray ayaa sheegay in xidhiidhka Israel ee Somaliland uu yahay khatar ama waxay ugu yeedheen “Khad Cas” iyagoo ku doodaya in joogitaanka Israa’iil ee Somaliland uu sii kordhi karo xiisadda Geeska Afrika iyo Badda Cas.
War qoraal ah oo ay soo saartay Xuutiyiintu ayay ku sheegeen in Israa’iil ay doonayso inay saldhig ka samaysato Somaliland, iyagoo ku booriyay dowladaha Badda Cas, waddamada Carabta iyo Muslimiinta inay qaadaan waxa ay ku tilmaameen talaabooyin cad oo ay kaga hortagayaan qorshayaasha Israel ee gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Somaliland ayaa ka feejigan dhagaraha qarsoon ee IRAN iyo Kooxaha ay taageerto ee Xuutiyiintu ka mid yihiin, iyadoo Israel iyo xulafadeeda oo uu Maraykanku ka mid yahay ay Somaliland ka taageerayaan ka hor-tagga cid kasta oo isku dayda inay waxyeelo gaadhsiiso, inkasta oo loo baahan yahay in kor loo sii qaado feejignaanta iyo ka hor-tagga hanjabaadaha ka dhashay aqooniga Somaliland ka heshay Israel, wallow arrintani muujinayso khataro aan la dhayalsan Karin oo Somaliland xilligan waajahayso.
Somalilandpost.news
contact@somalilandpost.news

