HomeSomali NewsEthiopiaDowladda Ethiopia oo u Quus-goysay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xulafadiisa Bariga Dhexe

Dowladda Ethiopia oo u Quus-goysay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xulafadiisa Bariga Dhexe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Ma Jirto Cid Wax Ka Beddeli Karta Heshiiska is-afgarad ee Ethiopia iyo Somaliland” – Ambassador Meles Alem, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia, ayaa shaaca ka qaadday inaanay waxba iska beddeli doonin heshiiska is-afgarad ee horaantii bishan dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Addis Abaab oo ka jawaabaysa hadallo ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya iyo qorshe Dowladda Masar ku mashquulsan tahay, waxa ay xustay inaanay Ethiopia ahayn waddan lagu soo degdegi karo oo go’aamadiisa wax ka beddeli karaan culaysyo dublomaasiyeed iyo hanjabaado kaga yimaadda Caalamka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Amb. Meles Alem oo ka hadlay xaaladaha dublomaasiyeed ee dalkiisa, waxa uu sheegay in heshiiska is-afgarad ee Somaliland yahay arrintan ugu muhiimsan ee Dowladda Ethiopia ku hawlan tahay ka midho-dhalintiisa.

“Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia waa waxa ugu muhiimsan. Way jiraan dhowr waddan iyo hay’ado ay ka mid yihiin Ururka Carabta oo baaqyo ka soo saaray heshiiska. Ethiopia maaha waddan u joojinaya hadalladaas,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii watay, wuxuu yidhi, “Hadalladan oo kale waxay sannado badan ka imanayeen Qaahira oo dagaal saxaafadda ah waday, laakiin Ethiopia ma joojin dhismihii biyo-xidheenka. Ethiopia waa waddan weyn, ma nihin dad baqanaya”.
Wuxuu Afhayeenku sheegay in dalkiisu si dadban iyo si toos ahba uga shaqaynayo ammaanka iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Hadalka ka soo yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, ayaa ku soo beegmaya xilli laba maalmood laga joogo hadallo hanjabaad iyo cambaareyn isugu jira oo ka soo yeedhay madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar oo wada-jir shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u warramay warbaahinta Carabta, waxa uu Dowladda Ethiopia ugu baaqay inay ka laabato heshiiska dhexmaray Somaliland, taas beddelkeedana ay iyagu u hayaan ama siinayaan Afar ilaa shan dekeddood.

Haseyeeshee, hadalka ka soo baxay Dowladda Ethiopia oo ku soo beegmaya xilli lagu gudo-jiro diyaar-garowga shirweynaha 37aad ee Ururka Midowga Afirka oo badhtamaha Febuary ka furmi doona Addis Ababa, ayaa jawaabo cad u ah isla markaana u quusnaya dhawaaqyada ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya iyo xulufadiisa dalalka Carabta.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories