HomeSomali NewsDawladda Kenya oo ka cabsi Ka qabta in Mombasa ay gacanta Al-Shabab...

Dawladda Kenya oo ka cabsi Ka qabta in Mombasa ay gacanta Al-Shabab gasho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kenya (SLPOST) Warbaahinta dalka Kenya ayaa hadal haya walaac ay dawlada Kenya ka qabto in dagaalamayaan ku fikir ah Xarakadda Al-Shabab ay ka dilaacaan magaalada Mombasa oo ah magaalada labaad ee dalka Kenya ugu weyn.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabab ku qaaday suuq ku yaala magaalada Nairobi dawlada Kenya si gaar ah ayay indhaha ugu haysay dhaq dhaqaayo laga waday magaalada Mombasa.

Inkastoo kooxdii suuqa Westgate weerartay ay dawlada Kenya aaminsan tahay inay Soomaaliya ka yimaadeen haddana waxaa dhanka kale hay’adaha amaanka Kenya aaminsan yihiin inay taageero ka heysteen koox ku sugan magaalada Mombasa.

Meesha ugu weyn ee Kenya ka walaacsan tahay waa masaajidka Musa oo Mombasa ku yaala halkaas dhawaan waxaa mar la geeyay ciidamo si gaar ah u tababaran oo dhalinyaro fara badan ka qabtay.

Masjidul Musa dawlada Kenya waxay ka aaminsan tahay in lagu wacyi galiyo dhalinyarada Muslimiinta ah laguna dhiiri galiyo inay ku biiraan Xarakadda Al-Shabab sidoo kalena lagu tababaro dhalinyarada Al-Shabab ku biira ka hor inta aaney Soomaaliya usoo safrin.

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramaya isagoo soo xiganaya xubno ka tirsan hay’adaha amaanka Kenya in dadka la tuhunsan yahay waxaa ka mid ah shaqsi magaciisa lagu sheegay Abu Bakar Shariif Axmed oo ku magac dheer Makaburi.

Makaburi oo ka mid ah shaqsiyaad ay Q,M xanibtay inay dibadaha usafraan mar ayay warbaahinta Kenya kasoo xigatay in isaga  iyo bulshada Mombasa ku farxeen sida ay wax uga dhaceen suuqa Westgate wixii xilligaas ka dambeeyay aad baa loo doon doonayay.

Sidoo kalena mar ay waraysatay wakaaladda wararka AFP waxaa uu sheegay inay aad ula dhacsan yihiin dagaalka Jihadka ah ee Soomaaliya ka socda sidoo kalena dawlada Kenya ay mar ka jawaabi doonto duulaanka gar darada ah ee ay Soomaaliya ku qaaday.

“Militry,ga Kenya wax ka xun wixii Westgate ka dhacay ayay ka geystaan Soomaaliya oo waliba  oo joogto ah suuqaasna qof Muslim dhab ah kuma geeriyoon waayo Yahuud ayaa laheyd” ayuu yidhi Abu Bakar Shariif Axmed oo ay Shababku ugu yeeraan Makaburi.

Wakaaladda wararka AFP waxay ku waramaysaa in dawlada ay xoog badan galinayso xaqiijinta in magaalada Mombasa oo dawlada uu dhaqaalo badan kasoo galo aaney  gacanta u galin kooxo gacan saar la leh Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama.

 

Somalilandpost.news

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories